Kismaayo(AGGM) Boqolaal askari oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka isla markaasna ka tirsan ciidamada guutada kowaad ee xoogga dalka ayaa la shaacinayaa inay soo gaaran degaano ka tirsan gobollada Jubadda Dhexe gaar ahaan duleedka magaalada Bu,aale,waxaana la sheegaya in ciidamadaasi tiradoodu kor u dhaafeyso 670 askari oo ku hubeysan 20 gaadiidka dagaalka oo ay weheliyaan gaadiidka xamuulka qaadaa.
Saraakisha ciidamada Gobolka Gedo ee saldhigoodu yahay degmada Ceelwaaq ayaa warbaahinta Allgalgaduud caawa u xaqiijiyey in ciidamadaasi ay hadda ku sugan yihiin qaybo ka mid ah gobollada Jubadda Dhexe isla markaasna ay qayb muhiim ah ka yihiin hawlgallada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab.
Ciidamada ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan inay ciidamada Siraliyoon ee ka soo baxay dhinaca Afmadow ay ku kulmaan degmada Bu,aale isla markaasna Alshabaab kala wareegaan gacan ku haynta magaalada Bu,aale oo ah saldhiga ay ku awooda badan yihiin ciidamada Alshabaab ahna meesha uu dhaqaalaha ugu badani ka soo galo.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay ka soo ruqaansadeen degaanka Gerilley ee gobolka Gedo,waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi qayb muhiim ah ka qaataan la dagaalanka Alshabaab iyagoo garab ka helaya ciidamada Siraliyoon ee hadda ku sugan qaybo ka mid ah gobollada Jubooyinka.
Si kastey ahaaataba waxaan imaanshaha ciidamadani imaanayaa xilli muran xoogan ka taagan yahay xarunta jubadda hoose ee kismaayo halkaas oo ay ku muransan yihiin ciidamada dawlada federaalka ah iyo kuwa jamhadda raaskambooni,waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi dhawaan la wareegaan xarunta jubadda dhexe ee Bu,aale halkaas oo Alshabaab maamulaan.
Daahir Cabdi Maxamed
Kismaayo,Jubadda Hoose
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com