Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho oo kulmay.

0

DSC00501Muqdisho(AGGM)  Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Eng. Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Yemen ee Muqdisho Danjire Fuad Mohamed  Al-zurqah , iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo fududeynta qaabka maraakiibta Soomaaliya ee fadhida dekadda Cadan loogu soo kaxeyn lahaa dhanka Caasimadda Muqdisho .

Wasiir kuxigeenku , wuxuu muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay maraakiibtaasi dib u keento dalkeeda , si loo howlgaliyo , loona dayactiro , isagoo rajeeyay in lagu guuleysan doono , xalna loo heli doono arrimaha kale ee taagan .

Eng. Maxamed Aadan , waxa uu kala hadlay Danjire Fuad Mohamed  Al-zurqah qaabka ugu haboon ee dowladaha Soomaaliya iyo Yemen ay u sameyn lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh , iyadoo la ogsoon yahay in Labada dal ay ka dhaxeyso taariikh ilbaxnimo oo qoto dheer .

Kulankan , oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Yuusuf Cali Maxamed “ Afgooye” , ayaa ku dhamaaday jawi isfaham leh.

Waxaa Diyaariyey: Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com