Caabudwaaq(AGGM) Ciidamada Amaanka degmada caabudwaaq ayaa xalay gacanta ku soo dhigey 5 nin oo hubeysan kuwaasi oo la sheegey inay dilal ka soo geysteen degaanka Galaadi ee Ismaamulka soomaalida Itoobiya,waxaana la sheegey nimankaasi ay ahayeen kuwo ciidamada amaanka caabudwaaq ka war heleen inay soo galeen gudaha caabudwaaq.
Nimanka dilka ka soo geystey degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Asal ahaan ka soo jeeda degaanada Maamulka Puntland waxaana la sheegey inay dhawr ruux ku soo dileen gudaha degmada Galaadi ee ismaaamulka soomaalida itoobiya,waxaana la sheegey in ciidamada Amaanka Labada dhinac ee Caabudwaaq Iyo Galaadi iska kaashaadeen soo qabashada dadkaasi.
Daahir Axmed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka degmada Caabudwaaq ayaa saaxafada u sheegey in nimankaasi gacan ku dhigleyaasha ah laga war hayey safarkooda isla markasna ay iska kaashadeen ciidamada sirdoonka caabudwaq iyo kuwa ismaamulka soomaalida itoobiya ee ku sugan Galaadi.
Nimankan ayaan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa inay degmada Galaadi ku dilaan dad shacab ah isla markaasna u soo baxsadaan dhinaca degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu warejiyo ciidamada amaanka ee degmada Galaadi isla markaasna labada ciidamada ee Caabudwaaq iyo Galaadi ku kulmaan Xaduudka u dhexeya labad wadan ee soomaaliya iyo itoobiya.
Ugu dambeyntii mahaan markii ugu horeysa ee degmada Cabudwaaq gacanta ku dhigto dad gacan ku dhiigleyaal ah kuwaasi oo dilal ka soo geystey degaano ka baxsan magalada caabudwaaq,waxaana hadda hor ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiigleyaal degmada Dhusamareeb dad shicib ah ku soo laayey, kuwaasi oo lagu wareejiyey degaanadi ay dhibkaasi ka soo geysteen.
Daahir Xaaji Salebaan
Caabudwaaq,Galgaduud
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com