War Deg Deg Ah: Alshabaab Oo La Wareegey Magaalo Ku Taala Gudaha Dalka Kiiniya Oo Lagu Magacaabo Mukanbu

0

Breaking_NewsGaarisa(AGGM) Kooxda Falaagada ah ee Alshabaab ayaa la xaqiijinayaa inay caawa xoog kula wareegeen Magaalo ku taala gudaha wadanka Kiiniya Magaaladaasi oo lagu magacaabo MUKANBU,waxaana magaaladaasi waxa ka 95 Km u jirtaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kiiniya.

Goob jooge ku sugan Magaalada Gaarisa ayaa Allgalgaduud u xaqiijiyey in ciidamadaasi galabnimadii maanta la wareegeen Tuulada MUKANBU waxaana uu sheegey inay dileen dad badan oo shacab ah kuwaasi oo ay ku jiraan Masuulkii ugu sareyey tuuladaasi Iyo Askartiisii,waxaana la sheegey in tiradda dadka halkasi ku geeriyooday ay gaarayaan 15 ruux oo u badan Maamulkii iyo masuuliyintii tuuladaasi.

Alshabaab ayaa la sheegey inay gudaha tuuladaasi galiyeen ciidamo badan oo lug ah kuwaasi oo aad u hubeysan,waxaana la xaqiijinayaan inay ku hubeysan yihiin hubka fudud oo u badan qoriga BKM ah,waxaana lagu arkayaa wadooyinka magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa.

Ciidamadan Alshabaab ayaa la sheegayaa inay xaruntii maamulka Tuuladaasi ka tageen calankoodi madoobaa,waxaana ay dadka qaarkood ku amreen inay guryahooda galaan isla markaasna aysan banaanka u soo bixin iyagoo baaaritaano culus ka wada Tuuladaasi oo gacanta hadda ugu jirta.

Ciidamadan Alshabaab ayaan la aqoon meesha ay ka yimaadeen walow la aaminsan yahay inay xaduudka dhanka soomaaliya lug kaga soo gudbeen isla markaasna ay doonayaan inay dhibaato ka geystaan gudaha dalka Kiiniya,Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay inay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ku soo badanaya gobolka waqooyi beri ee dalka kiiniya.

Arrintan ayaa fajac iyo amakaag ku noqotey Madaxda dalka kiniya markii ay maqleen in Alshabaab magaalo ka tirsan gudaha dalka kiiniya xoog kula wareegeen isla markaasna ay maamulayaan,waxaana hadda la sheegayaa in ciidamada dawlada kiiniya wadaan qorsheyaal ay ku weerarayaan Alshabaabta la wareegtey tuuladaasi,inkastoo Alshabaab aysan sii joogin doonin oo ay ka baxayaan sidii lagu yaqaanay.

Gebagabadii waxa weerarkan iyo la wareegista Tuulada MUKANBU imaanayaa xilli Aqoon yahano, culimo ,ganacsato & dhalinyarro dalka kiinya ka soo jeeda shalay dawladda wadankooda ugu baaqeen inay ciidamadooda dib ugala soo baxaan gudaha dalka soomaaliya isla markaasna ay dhibaatada amni darro ka timi ciidamada dawlada kiniya ee gudaha dalka soomaaliya ku sugan.

Samsam Cabdi Yuusuf

Gaarisa,Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com