Uhuru Kenyatta : Dawladda Somalia Waa Ka Baxday Kmg,Diyaar Baanu U Nahay Inaanu Uga Dambeeyo Arrimaha Maamul U Sameynta Dalkeeda

0

Uhuru-Kenyatta(R)Addis Ababa(AGGM) Madaxweynaha dalka Kiiniya Uhuru Joma Kenyatta oo ka hadlay xaalada  wadanka soomaaliya ayaa shaaciyey in dawladiisu ay diyaar ju tahay inay dawlada soomaaliya ku tageerto inay iyadu u madax banaanaato arrimaha maamul u sameynta gobollada dalkeeda,waxaana uu sheegey in hadda dawlada soomaliya tahay mid buuxda oo xilligii kmg ay ka baxday.

Madaxweyne Uhuru oo xalay ka hadlayey magaalada Addis Ababa oo maalmahan uu ku sugnaa isla markaasna uu kaga qayb galay kulankii madaxweyneyaasha IGAD ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa daboolka ka qaaday in dawlada soomaaliya ay hadda tahay mid ka baxday xilligii kumeel gaarka ahaa,waxaana uu sheegey in dawladiisu diyaar u tahay inay gacan ku siiso dawlada soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa uu Uhuru Kenyatta sheegey inay dawlada soomaaliya ka tageeri doonaan la dagaalanka Alshabaab,waxaana uu sheegey in ciidamadiisu diyaar u yihiin la dagaalanka Alshabaab oo uu ku tilmaamay inay dhibaato xoogan ku hayaan shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in ciidamo dheeri ah hadii dawlada soomaaliya ogolaato ay u soo dirayaan,waxaana uu sheegey inay tageeri doonaan dawlada soomaaliya dhinac kasta,waxaana uu sheegey in shirkii IGAD ee dhawaan ka dhacay magaalada Addis Ababa loogu madax banaaneeyey dawlada soomaaliya arrimaha maamul u sameynta gobollada dalkeeda.

Gebagabadii waxaa hadalkiisu ku soo beegmayaa xilli golaha wasiiradda arrimaha dibedda iyo Madaweynaha IGAD ku dhawaaqeen in dawlada soomaaliya arrimaheeda loo madax banaaneeyo,waxaana arriintaasi caqabad ku noqotey maamuladii dhawaan looga dhawaaqay magaalada kismaayo.

Samsam Cabdi Yuusuf

Addis Ababa,Itobiya

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com