Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Dawlada Ee Gobollada Jubooyinka Oo Ku Sugan Kismaayo

0

jeneraal-MakomaKismaayo(AGGM) Jeneraal Saalax Makoome oo ka tirsan saraakisha ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe soo gaarey magaalada kismaayo isagoo la socday wefti ka tirsan taliska ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo kulamo la lahaa saraakisha sar sare ee ciidamada Kiiniya isla markaasna arrimo badan oo jubooyinka ku saabsan kala hadleyey.

Jeneraal Saalax Makome oo ay soo magacawday Wasaaradda Gashaandhiga dawlada soomaaliya ayaa la sheegey inay warqadiisa magacaabista ay la wareegeen ciidamada Amisom taliska Muqdisho isla markaasna ay ku wareejiyeen saraakisha ciidamada Kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo.

Saraakisha ciidamada kiiniya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa lagu wargaliyey in Jeneraal Saalax Makome uu yahay taliyaha ciidamada dawlad ee Jubooyinka,waxaana lagu wargeliyey inay sida ugu macquulsan ula shaqeeyaan isla markaasna taliyihii hore ee ciidamada jubooyinka ee Ismaaciil Saxardiid uu xilkaasi ku wareejiyo.

Magaalada kismaayo waxa ku sugan in ka badan 1200 askari oo kuwaasi oo ku hubeysan hub kala duwan isla markaasna wada gaadiidka dagaalka oo ay ku qoran tahay Somali National Army oo ah ciidamada qaranka soomaaliyeed,waxaana la sheegey in taliska ciidamada kiiniya ismaaciil saxardiid ugu baaqeen inuu xilka ku soo wareejiyo Sarkaalka cusub ee xilkaasi loo magacaabay.

Dhinaca kale Axmed Madoobe iyo Fartaag oo ka codsadey ciidamada kiiniya inuu Saalax Makombe ka tago kismaayo ayaa arrintaasi noqotey mid ay ciidamada kiiniya si cad uga diidaan Axmed Madoobe iyo Fartaag,waxaana ay tuseen warqadiisi magacaabista,taasi oo shalay ay magaalada kismaayo keenaan saraakiil ka socotey dawlada soomaaliya iyo taliska amisom ee magaalada muqdisho.

Ugu dambeyntii Ciidamada dawlada kiiniya ayaa hadda ah kuwo u muuqda inay u dhego fudeydaan awaamiirta ka soo yeereysa dawlada soomaaliya isla markaasna ku aadan inay ka shaqeyaan arrimaha nabad ilaalinta,waxaana la sheegayaa inay ku dhaqmayaan bayaankii shalay midawga afrika soo saareen kaasi oo dawlada kiiniya qayb lixaad leh ka ahayd.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Kismaayo,Jubada Hose

Allgalgaduud@gmail.com