New York (AGGM): Dowladda dalka kenya ayaa mar kale codsi u gudbisay golaha amaanka ee QM taasi oo ay kenya ku dalbanayso in la gabi ahaanba la soo afjaro dacwadaha maxakada ICC ee shaqasiyaadak Kenyanka .
Hasa yeeshee codsiga kenya ayaa waxaa si wayn uga hor yimi wadamada ree Yurub iyo Maraykanka .
Dublamaasiyiinta Wadamada Yurub iyo Maraykanak ayaa waxa ay wakiilka Kenya u fadhiya QM ay u sheegeen in ay qasab tahay in madaxwayne kenyatta iyo ku xigeenkiisa wilian ruto oo wajahaan maxkamada ICC .
“Waxa aan ka codsanay in dacwadan maxakamada ICC la soo afjaro sida ugu dhaqsiyaha badan waxaa sidaasi sheegay ,” Macharia Kamau.
Ambassador Kamau ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in qaabka lagu soo afjarayo kiiska maxkamada ICC iyo wadada loo marayo aan wali go’aan laga gaarin balse ay gabi ahaan ba tahay in kiiskan la soo afjaro .
Kenya ayaa marar baadan ku guul daraysatay isku day ay ku doonaysay in shaqsiyaadka wajahaya maxkamada ICC kiiskooda la soo afjaro .
Hasa yeeshee waxaaa xusid mudan in kenya ay horay u ololayn jirtay in kiiska dib loogu soo celiyo kenya balse tan imika ah in kiiiska la soo afjaro waa isku day cusub oo ana la ogayn halka uu ku danbayn doono .
Madaxwayne Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa Ruto, iyo saxafiga Arap Sang ayaa waxa ay wajahayaan maxkamaada ICC ayaga oo loo haysto in ay lug ku lahaayeen rabshadihii doorashadii 2007dii
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com