War Deg Deg Ah: Askari Ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo Hadda Lagu Toogtey Bosaaso

0

Breaking_NewsBosaaso(AGGM) Waxaa hadda gudaha Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu toogtey askari ka tirsan ciidamada amaanka maamulka Puntland,waxaana la sheegey inay dilkiisa ka dambeyeen kooxo bistoolado ku hubeysan,waxaana la sheegey in kooxdii dilkaasi fulisay baxsadeen.

Askarigan ayaa qadar daqiiqado ka hor ah lagu toogtey Suuqa canaha magaalada Bosaaso,waxaana la sheegey inay dilkiisa fuliyeen kooxo dhalinyarro ah oo markii ay toogteen qorigiisii hore u sii qaatey,waxaana la sheegayaa in kooxda dilka fulisay ay halkaasi ka baxsadeen iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa amaanku halkaasi soo gaareen.

Waxaa dilkan imaanayaa xilli maalmahan ciidamada amaanka puntland xaafadaha Magaalada Bosaaso ka wadeen hawlgalo guri guri lagu baarayo,waxaana la sheegaya inay ciidamada puntland maalmahan dad badan xabsiga u taxaabeen,dilkan askarigan ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen 4 dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan

Ugu dambeyntii  amaanka magaalada Bosaaso ayaa u muuqday inuu malamahan deganaa walow aan amaanka magaalada Bosaaso uusan ahayn mid laysku haleyn karro iyadoo lagu tilmaamo Bosaaso inay tahay meel ay ku xoog badan yihiin kooxaha dilalka qorsheysan fuliyaa.

Saleebaan Guuleed Warsame

Garoowe,Puntland

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com