Addis Ababa (AGGM) Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaarey Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya,waxaana garoonka diyaaradaha ee BOLI MICHEAL ku soo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha Iyo weftigiisa ayaa loo galbiyey Huteelka Shariton ee magaalada Addis Ababa,waxaana uu maalinimadda beri ah ka qayb galaya Shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaa wadamada ku bahoobay midawga afrika,waxaana kulankaasi intiisa badan looga hadli doonaan sanad guuradii 50-maad ee ka soo wareegtey aas-aaska ururka midawga afrika.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu magaalada Addis Ababa maalmaha soo socda uu kulamo muhiim ah kula yeesho Madaxda dawlada itoobiya oo uu horeeyo Raisalwasaaraha wadankaasi Hailla Mariam Deisalam,waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan xaaladihii ugu dambeeyey ee wadanka soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay labada masuul ka wada hadli doonaan hawlgaladda ciidamada wadanka itoobiya ka socdaa ka wadaa qaybo ka mid ah gobollada dalka soomaaliya ee ay kula dagaalamayaan Xarakada Alshabaab,waxaana la sheegeyaa inay sidoo kale labada masuul ka wada hadlayaan sidi dawlada itoobiya uga tageeri lahayd tababarka ciidamada dawlada soomaaliya.
Kulankan lagu wado inay dhawaan yeeshaan Madaxda dawlada Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in diirada lagu saarayo sidii gobollada dalka soomaaliya loogu sameyn lahaa maamulo amaankoodu yahay mid laysku haleyn karo isla markaasna iska difaaci lahaa Kooxda Alshabaab.
Gebagabadii waxaa safarka madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa ku soo beegmaya xilli dawlada itoobiya shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in dawlada soomaaliya looga dambeeyo arrimaha maamul u sameynta dalka soomaaliya, iyadoo dawlada itoobiya iska fogeysay inay tageersan tahay maamuladii kala duwaanaa ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada kismaayo.
Aadan Maxamuud Cali
Addis Ababa,Itoobiya
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com