Korneyl Cumar Jaamac Cali Jiir Oo Arrimo Badan Ka Hadlay.

0

Cali jiirBayaan uu kaga hadlay Arimo badan oo xasaasiya ayuu soo saaaray kornel Cumar Jaamac Cali Jiir oo ah Siyaasi Si weyn looga yaqaan deegaanadda Jubooyinka iyo guud ahaan Soomaliya.

Kornelka ayaa ugu horayn soo dhaweeyey Xildhibaanaddii dib uga noqday Mooshinkoodii kuwaasoo uu u ku sheegay inaay garteen rabitaanka shacabkooda asagoo ku daray in shacabku aad uga xumaadeen mooshinkaan.

Sidoo kale Mudane Cali Jiir ayaa soo hadal qaaday Arimaha Ciidamadda qalabka sidda ee Dalkeena Soomaliyeed asagoo wasaaradda Gaashaandhiga iyo cid walba oo aay qusayso Arimaha Ciidanka ku booriyey inaay haboon tahay in Ciidamadda Soomaliyeed loo Sameeyo Is dhexgal Muuqda tababarkoodana lasii kordhiyo ayadoo laga faa idaysanayo Saraakiishii hore ee Ciidamadda Qalabka siday intii loo yeeri lahaa Saraakiil Ajinabi ah.

Mar uu soo hadal qaaday Arimaha Jubooyinka Kornelku wuxuu carabaabay inaaysan haboonayn in lagu durbaan tunto shacabka masaakiinta ah korkooda asagoo hadal dheer ku sheegay in dowladda Soomaliyeed looga dambeeyo wax walba oo kusaabsan arimaha jubooyinka islamarkaana ku sabababeeyay in shacabka jubooyinku yihiin dad daalan una baahnayn dhibaato dambe sugayana dowladooda asagoo soo jeedshay in dib u heshiisiin rasmi ah loo sameeyo shacabka goboladaas.

Puntland Ayuu korneylku soo hadal qaaday asagoo sheegay in shacabka iyo maamulka puntlandba aay ahaayeen kuwii kaalinta muuqday oo aan la xaqiri Karin ka qaatay Dowladaan hadda dhisan iyo kuwii hore balse wuxuu ka codsaday Maamulka Faroole hogaansho inaaysan raadkoodii quruxda badnaa dib u tirtiri.

Arimaha burcad badeeda ayuu ku sheegay inaaysan ahayn wax Soomaali waddo balse aay dib ka riixayaan wadamo shisheeye oo dano dhaqaale ka leh xeebaha iyo jasiiradaha Soomaliya asagoo soomaali waaydiiyey meesha aay ku dambaysay Jasiiraddii Suqadara oo ahayd Jasiirad kamid ahayd Jamuuriyadda Soomaaliya.

Ugu dambayntii Kornayl Cumar Jaamac ayaa wuxuu talooyin muhiim ah usoo jeedshay dowladaha dariska ah oo inta badan Faraha kula jirra Arimaha hoose ee Soomalidda asagoo uga digay inaaysan fara gashan Arimaha dal kale leeyahay isla markaana ku booriyey inaay ku ekaadan kaalintooda darisnimo.

Cali Yaasiin Gurbe
Sweden.Gothenburg

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com