Xaalada Jubbooyinka Oo Kacsan Iyo Ururo Looga Dhawaaqay Halkaas.

0

xaawoKismaayo (AGGM): Xabiibo Xasan  Warsame  oo Xubin ka ahayd Baarlamankii Maamulkii Azania ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Prof Gaandi hadana kamid ah Taageerayaasha Prof-ka ayaa shaaca ka qaaday in ay Cadaalad daro ku dhacday doorashadii todobaadkaan gudihiisa ka dhacday Kismaayo ee lagu doortay Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xabiibo oo Waraysi dhinacyo badan taabanaya siisay Warbaahinta Caalamiga ah ee Saadaal Media ayaa shaaca ka qaaday qorshihii ay kusoo gashay dowladda Kenya gudaha dalka Soomaaliya inuu ka danbeeyay Maamulkii Prof Gaandi ee Azania, waxaana ay sheegtay qorsha yaal badan oo lagu xoranayo Jubbooyinka inuu diyaariyay Maamulkoodu mudadii uu ku jiray Siyaasada Jubbooyinka.

Waxaa ay sheegtay Mamulkoodu inuu ka soo shaqeeyay Xoraynta deeganada Jubbooyinka Markii lasoo gaaray Magaalada Kismaayana uu afganbi siyaasadeed ku qabsaday sida ay sheegtay Xabiibo waxay ugu yeertay  nin aan la aqoon meel uu kasoo dhacay, kaasoo ay ula jeeday Sheekh Axmed Madoobe.

Mar ay ka hadlaysay doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ayay sheegtay in wax isbada marin wayn ay jirtay, waxaana ay tusale usoo qaadatay markii la guda galay doorashada Madaxwaynaha in garoonka Kismaayo lagula galay shir been been ah  kaasoo la doonayay in lagu marin habaabiyo Musharaxiinta, waxaana ay sheegtay qaar kamid ah Musharaxiinta in loo adeegsaday Ciidamadda Kenya.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay Sheekh Axmed Madoobe inaan la dooran ee uu isagu is magacaabay isla markaana uu walli ku howlanyahay Afgambigii uu horay kula kacay Azania isla markaana aysan arintaasi ka yeeli doonin mar danbe, waa sida ay sheegtay Xabiibo oo kamid ah Masuuliyiintii Azania hadana ah taageerayaasha Prof Gaandi.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka u dhashay Jubbaland, dadna waa u dhasheen dadna waa ku dhasheen, dadka ku dhashay Jubbaland inay ka midoobaan fashilka socda” ayay tiri.

Xabiibo Xasan Warsame ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday inaysan mar danbe Kismaayo hogaan u noqon doonin dad aan dhalasho ahaan kasoo jeedin isla markaana ka yimid deegaano ka fog Kismaayo doonayana inay gurtaan khayraadka Jubbooyinka.

Ugu danbayntii ayay ugu baaqday dadka reer Jubbaland ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo inay ku dhawaaqan Jabhada dib u xoraynta Jubbaland isla markaana ay deeganadooda ka xoraystaan waxa ay ugu yeertay dad soo duulay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com