Buurdhuubo (AGGM): Faalagada arxanka daran ee Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay shalay (Isniin) nin dhallinyaro ah ku dishay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
Kooxda arxanka daran ee Al Shabaab ayaa ku eedeysay Cabdullaahi Siraad oo da’diisu ay ahayd 28 jir in uu la shaqeynayay ciidanka dowladda ee gobolka Gedo, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada ninka la toogtay, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.
Waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin dilka loo geystay Marxuum Cabdullaahi, iyagoo been-abuur ku tilmaamay eedda loo jeediyay.
Waxay xuseen in uusan waligiis ka mid noqon dhinacyada ku dagaallamaya gobolka.
Allaha U Naxariistee Cabdullaahi Siraad wuxuu ka tagay hal xaas iyo afar carruur ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com