Dawladda Oo Hawllgallo Dad Badan Lagu Qabqabtey Ka Wada Magaalada Muqdisho

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaMuqdisho(AGGM)  Ciidamada booliska Dawlada Soomaaliya Iyo kuwa Nabad sugidda oo gacan buuxda ka helaya ciidamada taliska Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saaka hawlgallo culus ka wada Degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigley,waxaana hawlgalada lagu soo qabqabtey boqolaal ruux.

Hawlgalkan balaaran ee saaka socda ayaa saameyn balaaaran ku yeeshay dhamaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha waxaa xirmay wadooyin muhiim ah oo ciidamada isgarabsanayaa ay xireen,Jadiid Carwo Idko, qeybo ka mid ah wadooyinka wadnaha, soddonka iyo warshadaha, nawaaxiga Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ku teedsan ayaa xiran gabi ahaanba.

Hawlgalkan ayaa ah mid qorsheysan waxaa ciidamadaasi u baarayaan degaanadaasi guri guri,waxaana ay ilaa iyo hadda gacanta ku soo dhigeen in ka badan 100 ruux oo ay sheegeen inay qaarkood falal amaan daro ka wadeen gudaha degmooyinkaasi,waxaana dadkaasi lagu gurayaa gaadiidka shabaqlayaasha ah ee ciidamada booliska.

Dhalinyaradan maanta ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom soo qabqabteen ayaa loo daad gureynayaan xarumaha Dambi baarista dawlada soomaaliya,waxaana ciidamadaasi sheegeen inay dadkaasi ku jiraan dad dambiileyaal ah balse ka kala oogaan doono marka hawshooda baaritaan la gudo gallo.

Gebagabadii saraakiisha ciidamada booliska dawlada soomaaliya ilaa iyo hadda wax wara kama soo saarin hawlgalladan oo shalay ka bilaabmay qaybo ka mid ah magaalada muqdisho taasi oo ka dambeysay markii Xarakada Alshabaab weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya.

Samsam Cabdilaahi Aadan

Muqdisho,Somalia,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com