Muqdisho (AGGM): Ra’isul-wasaare Kuxigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio Yuusuf Xaaji Aadan ayaa warbaahinta u sheegtay in Dhawaan loo yeeri doona safaardaha ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka, kadib Markii dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay shaqaalihii hoose ee wasaarada uga howlgali jiray safaaradaha dibada kuwaas oo gudaha wadanka lagu soo xareeyay.
Waxayna Wasiiraddu ay tilmaamtay in taasi ay qeyb ka tahay horumarinta diblomaasiyada iyo Sidii safaaradaha loo geyn lahaa mas’uuliyiin mateli karta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Marwa Fowsio Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegay in la sii kordhin doono calaaqaadka ay Soomaaliya la leedahay caalamka iyadoo xustay inay ku guuleysteen inuusan Banaanan kursi aan caalamka ku leenahay taasi oo sababi karta inay dib u bilowdaan ka faa’iideysiga qeyraadka uu wadankeenu leeyahay maadama lagu Guuleystay in dib loofuro irid walba oo horay u xirantay intii lagu guda jiray xiliga Kmgka.
Sidoo kale wasiirada ayaa sheegtay in wasaaradu ay dadaal ugu jirto sidii Xabsiyada looga sii deynlahaa maxaabiista Soomaalida ah ee ku xirxiran xabsiyada Dalalka aduunka qaarkood iyadoo xustay in dalal badan ay kala hadleen arintaasi Islamarkaana la filayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan u helaan xoriyadooda.
Dhinaca kale Wasiirada ayaa waxay u sheegay dadka Soomaaliyeed inay ka joogaan Tahriibka iyo safarada dhaadheer ee ay ku bixiyaan lacagaha badan maadamaa uu Wadankoodu hagaagay islamarkaana amnigiisu yahay xiligan mid la isku haleynkaro ayna ka faa’iideystaan mashaariicda kala duwan ee wadanka laga Hirgeliyay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com