Kismaayo (AGGM): Wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa ugu baaqday saraakiisha ciidamada dowladda iyo taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo in aysan ku milmin siyaasadaha iska soo horjeeda, islamarkaana adkeeyaan nabad-galyada magaalada Kismaayo.
Wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed ayaa warbaahinta u sheegay khatar in badan ka digayaan hadda ka soo fool leedahay magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in dowladdu ka cabsi qabto khalalaase ka dhashay maamulada is diidan ee xiligan ku wada sugan Kismaayo.
“Waxaan aad uga walaacsanahay inay arrimaham ka soo cusboonaaday Jubbooyinka iyo maamulada is-bar bar yaaca ah ee halkaasi looga dhawaaqay inay qalaalqal iyo qas ka abuuti karaan magaalada Kismaayo, taasina ay wax u dhimi karto amniga Kismaayo.” ayuu yiri wasiirka.
Waxaa uu sheegay in arrimaha ka soo cusboonaday magaalada Kismaayo ka faa’ideysan karaan kooxaha argagixisada oo horay looga saaray magaalada, waxaana uu baaq u dirray saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.
“Waxaan u soo jeedinayaa ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM inay dhexdhexaad ka ahaadaan maamulada is babar socda ee looga dhawaaqay magaalada islamarkaana ka shaqeeyaan nabad-galyada Kismaayo .” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay wasiirrka.
Kismaayo waxaa dhawaan looga dhawaaqay labo madaxweyne oo iska soo horjeeda kuwaasoo haddana wada sheeganaya in ay hogaan u yihiin maamulka Jubba-land, taasoo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com