Caabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay diyaarad siday ciidamado Mileteri ah ka dagtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Caabudwaaq.
Ciidamadan ka tirsan ciidanka XDS ee ka amabaxay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa ku sii jeeda gobollada Dhexe ee dalka gaar ahaan gobolka Galgaduud waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sogootiyay Abaanduulaha ciidanka XDS.
Ka hor inta ay ka ambabixin garoonka Muqdisho ayaa waxaa hadal dardaaran ah u jeediyay Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi waxa uuna kula dar daarmay in ay kasbadaan shacabka ay u shaqeynayaan, isagoona intaasi raaciyay in ciidamada ay u tagayaan ay baraan waxyaabihii ay soo barteen mudooyinkii ay ku jireen tababarka.
Sidoo kale Abaanduulaha ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadan ay si rasmi ah uga howlgali doonaan degaanada Dhuusamareeb, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale oo xerooyin looga diyaariyay.
Taliyaha hoggaaminayo ciidamada maanta ka ambaxay Muqdisho Gashaanle Dhexe Cali Cabdi Faarax ayaa dhankiisa qeexay in uu ku faraxsan yahay hoggaaminta ciidamada loo dhiray gobollada dhexe waxa uuna carabka ku dhuftay in ciidamadan ay ku faraxsan yihiin ka howlgalida gobollada waajibka ciidanimane ay gudan donaan.
Ciidamadan maanta loo diray gobollada Dhexe ee dalka ayaa ahaa ciidan loo dhameystiray qalabkooda waxaana qorsha ciidamadan ay yihiin kuwo bilaaw u ah sidii ay dowladda ula wareegi laheyd guud ahaan dalka.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco wararkeena dambe Hadduu Alle Idmo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com