Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Tayo La’aan Soo Food Saartay Ciidamadeeda.

0

ciidan tababarMuqdisho (AGGM): Wasiir ku-xigeenka wasaarrada gaashandhiga xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Sooamaliya la oran karo xiligan waxaa soo food saartay tayo la’aan, inkastoo sida uu hadalka u dhigay dowladda ay heysto tiro ahaan ciidamo ku fillan.
Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga waxaa uu sheegay in tirada ciidamada dowladda yihiin kuwo  ku fillan amniga, balse dhibaatada haysata ay tahay tayo iyo Tababar la’aan soo food saartay gar ahaan y ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday  in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii ay u tayeyn lahaayeen ciidamada xoogga dalka.
C/raxmaan Kulmiye Xirsi wasiirr ku-xigeenka wasaarrada gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay dhibaatada ugu weynee haysata wasaarada difaaca Soomaaliya ay tahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab, isaga oo tilmaamay i n ciidamada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Qalab,Tababar iyo Tayeyn macnawi ah si ay ula dagaalamaan alshabaab, dalkane ay uga xoreeyaan sida uu tilmaamay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga dowlada Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye.
Inkastoo wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya sheegtay in ciidamada dowladda tayo la’aan iyo qalab xumo soo food saartay, ayaa haddana waxaa leys weydiin karaa halka ay ka baxeen kumanaan ciidamo ah oo tan iyo dowladdii ku-meel-gaarka aheyd lagu soo tababaray dalalka dariska iyo dowladda Uganda.
Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ku jiraan  gumeysi,isaga oo sheegay  in ay ka go’an tahay dowlada Soomaaliya sidii ay alshabaab uga sifeyn lahayd guud ahaan dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com