Garbahaarey (AGGM): Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan ayaa lagu waramayaa in uu saacadihii aynu soo dhaafnay uu ku dhaxmaray gobollka Gedo ciidamo dowladda federaalka iyo xoogagga Al-shabaab
Sida ku waramayaa dad ku sugan degmada Garbahaarey dagaallka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kula duwan ayaa labada dhinac ku dhaxmaray deegaanno u dhaxeeya degmada Garbahaarey ee Baladxaawo, waxaana hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac siweyn looga wada maqlayay deegaannada ku dhaw dhaw halka uu dagaallku ka dhacay.
Dagaalka ayaa qarxay kadib markii sida wararku sheegayaan maleeshiyoka tirsan falaagada Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay la socdeen ciidamada dowladda, halka wararka kalana sheegayaan in falaagada Al-shabaab weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaallka ayeey hadda wararka soo baxaya sheegayaan in uu jiro khasaare xoog leh soo kala gaaray dhinacyada iska horyimid marka la eego xadiga iyo culeyska uu dagaallku lahaa.
Dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Beledxaawo iyo Garbahaarey oo bilowday shalay gelinkii dambe ayaa ahaa kii ugu cuslaa muddo saacado badan socda oo ka dhaca deegaanada Gobolka Gedo.
Home Wararka Maanta Dagaal Culus Oo Ciidmada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Ku Dhexmaray Gobollka...