Maxkamad Ku Taala Magaalada Minneapolis Oo Xukuntay Laba Dhalinyaro Ah Oo Xiriir La Lahaa Al Shabaab.

0

terrrorMinneapolis (AGGM): Maxkamad ku taalo dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis,ayaa xukuno sanado ah oo gaaraya 20-sano ku kala riday Labo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay la soo shaqeeyeen Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Mahamud Said Omar, 47, iyo Kamal Said Hassan, 28 jir,oo Xukunkooda shalay dhacay ayaa dacwad oogayasha waxay ku eedeeyeen inay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab oo Mareykanka ugu jiro waxa loogu yeero Liiska argagixisada.

Maxkamada ayaa cadeysay in shaqsiyaadkaan ay qirteen danbiga lagu soo oogay,iyadoo Hasan la sheegay inuu kamid ahaa in ka badan 20-dhalinyaro ah oo ka tagay Mareykanka una soo safray Soomaaliya si Al-shabaab ugu bar bar dagaalamaan.

Mahamud Said Omar, , Kamal Said Hassan, oo ah dadka xukunka ku dhacay ayaa dhamaantood ka hor qirtay Maxkamada horteeda,sida uu sheegay Qaadiga Maxkamada dacwada dhageysanayay.

Waxayna tilmaameen in sanadkii 2007-dii ay ka Safreen Mareykanka iyagoo u soo baqoolay Soomaaliya,islamarkaana taageero Maaliyadeed u sameeyay Al-shabaab.

Maxkamada oo dadkaan horay 38-sano ugu xukuntay ayaa hadana Maxkamada waxay ka qafiifisay Xukunka,sababo la shaacin.

Dowladda Mareykanka ayaa inta badan dalkeeda ku Maxkamadeeyso dadka la xariiriyo falalka argagixisada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com