Xildhibaan C/qadir Cosoble Oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay.

0

xildhibaanMuqdisho (AGGM): Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa sikulul uga hadlay warar ee baahiyeen qaar kamid ah shabakadaha Soomaalida kuwaasi oo sheegayay in shirqool dil uu ka bad baaday xildhibaanka.Xildhibaan Cosoble oo kamid ah xubnaha ugu fir fircoon baarlamaanka Soomaaliya isla markaana algu xasuusto inuu kamid ahaa Afarti musharax ee isugu soo hartay xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta waxa uu shabakadiisa Facebooka Soo dhigay Warbixin uu ku beeninayo warbixin xasaasi ah oo ee ka qortay shabakada Raad Raac News taasi oo lagu sheegayay in xildhibaanka iyo Xildhibaan Shariif Xasan ee ka bad baadeen shirqool Dil iyagoo sidoo kalena lagu tuhmayo waa sida ee dhaheene iney wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

“Waxaan jecelahay in aan la socodsiiyo Dhamaan saaxiibaday iyo walalaha soomaliyeed oo dhan in haba yaraatee wax ka jira aynan jirin arinta uu soo qoray webpage kan halkan ku lifaaqan, qof igula balamay ama rabay in uu wax i yeelo ma jiraan , wax mooshin ah oo aan lug ku leeyahayna ma jiraan , waxyaabaha ku qoran halkan oo asxaabta qaar ay i soo weydiiyeenna wax ka jira haba yaraatee ma jiraan” Ayuu kusoo koobay warbixin kooban uu xildhibaan Cabduqaadir Cosoble soo dhigay shabakadiisa Facebooka .

Halkaan Hoose ka aqriso warbixinta Xildhibaan Cosoble beeniyay oo dhameestiran

(Raadraacnews)Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la doonayay dhawaan in dil shirqool ah lagu dilo xildhibaanada kala ah C/qaadir Cosoble iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaas oo lagu dilli rabay agagarka Xarunta Madaxtooyada.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Labadaan Xildhibaan la doonayay in lagu shirqoolo agagaarka Madaxtooyada xilli lagu balamiyay Xarunta Madaxtooyada Somalia isla markaasna loo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u yeeray.

Xog uu hellay Raadraacnews ayuu ku ogaaday in xilli habeen ah wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu si gooni gooni u wacay Xildhibaanada kala ah C/qaadir Cosoble oo ahaa afartii musharax ee soo gaaray wareegii 2-aad ee Tartanka Doorashada Madaxtinimada Somalia 10-kii September 2012 iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Dowladda Somalia horeyna u soo noqday Dowladihii Kumeel Gaarka Wasiirka Maaaliyadda iyo Guddoomiyaha Baarlamanka isla markaasna loo sheegay in uu u yeerayo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Xildhibaan ayaa aqbalay casuumadda kaga timid sida loo sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo la balamiyay 12:00 Saqda Dhexe markaas oo loo sheegay in Madaxweynaha uu marti qaaday ragaas waxana labada Mudane ay soo aaden dhanka Madaxtooyada iyagoo watay kaliya hal gaari oo nuuca loo yaqaanno Parado kaliyana ay la socoto 4 askari oo ilaalo ah markii ay kusoo dhawaadeen Chack-Point 1-aad ee Madaxtooyada ayaa Waxaa soo wargaliyay sargaal ka howlgala Madaxtooyada oo kamid ah saraakiisha dhexe kaas oo wacay xildhibaan C/qaadir Cosoble kadibna ku wargaliyay in ciidamada Heeganka shaqo soo jeedka lahaa uu Badalay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kadibna la keenay ciidamo uu wato kuwaas oo amar lagu siiyay in labo gaari oo xilliga 12:00 kusoo beegan afaafka hore ee albaabka laga garo madaxtooyada ay rasaas ku furaan sidaas darteed ay feejignaadaan.

Isla markiiiba C/qaadir Cosoble ayaa Wadihi Gaariga ama darawalka amar ku siiyay in gaariga uu leexiyo dibna ay u laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo Durbaba ay dib ugu laabteen Halkii ay kasoo Baxeen.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horey u ahaa sida la sheegay ilaaliyaha Mac-hadka Simad oo Qaab Qabiil mas’uul ugu ahaa dhanka amaanka sidoo kale wuxuu C/kariin ahan jirayNinka dhanka amaanka uu ku tiirsanaa Faarax C/qaadir oo ah Wasir Dowlaha Madaxtooyada oo uu u ahaa waxa loo yaqaanno (mukulaal Madoow).

Si kastaba labadaan Mudane aya si weyn ugu soo horjeedo siyaasadda Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud waxaana lagu xamanayay dhawanahan inay wadeen mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com