Nabadoon Maxamuud "IGAD Kismaayo Ma Imaan Ee Waxaa Yimid Wiilkii Yuusuf Xaaji".*Dhagayso*

0

top newsKismaayo (AGGM): Nabadoon Maxamuud Daahir Diiriye oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyed ee ku sugan Magaalada Kismaayo  ayaa sheegay Beeshiisa inaysan helin saamigii ay ku lahayd Ergada dooranaysa Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay Beeshiisu inay dagto gobolada Jubbooyinka inta ugu badan isla markaana la duudsiiyay xaqii ay ku lahayd Ergada.

Dhinaca kale waxaa uu si kulul u weeraray Urur goboleedka IGAD wafdi ka socda oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inaysan ahayn IGAD ee uu yahay ninka wata Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaaji Wiil uu dhalay.

Kismaayo ayaa waxaa la isku haystaa Ergooyinka dooran lahaa madaxweynaha Jubbaland iyadoo ay shirka ka baxeen qaar kamid ah xubnihii beelaha ee ka qeyb galayay.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/nabadoon-maxamuud.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com