Nabadoon Cabdi Warsame Gurux Oo Wareeysi Dhinacyo Badan Taabanaya Siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media.*Dhagayso*

0

top newsKismaayo (AGGM): Afhayeenka Beesha Sade ee gobolada Jubbooyinka Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo wareeysi dhinacyo badan taabanaya siiyay warbaahanti AGGM ayaa ugu horeeynti waxa uu ka warbixiyay halka uu marayo shirka la sheegay in uu ka socdo magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Nabadoon Gurux ayaa waxa ayaa waxa uu sheegay in maanta magaalada Kismaayo laga celiyay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Warfaafinta Ciilmooge iyo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Jubbada Hoose Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan.

Nabadoon Gurux isagoo sii wata hadalka aya waxa uu sheegay in ay tahay ihaano in mas’uuliyiinti dowladda loo diido inay galaan gudaha magaalada Kismaayo islamarkaana diyaaradi waday ay ka galbiyeen Garoonka labo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Halkan Hoose Ka Dhagayso.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/gurux_0001.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com