Guddiga Difaaca Baarlamaanka Iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Kulmay.

0

TALIYEYAASHA CIIDANKAMuqdisho (AGGM): Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi ”Idha-qorsho” oo ay isla soo hadal qaadeen arrimaha amniga iyo hagaajinta tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Xusseen Carab Ciise ayaa sheegay in kulanka looga wada-arrinsanayay ammaanka iyo waxqabadka ciidamada xoogga dalka.

Wasiirrkii hore ee gaashaandhiga islamarkaana ah guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Xusseen Carab Ciise,  ayaa xusay in taliyaha ciidamada qaranka ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshaha dib-u-dhiskooda.

Gen Daahir Aadan Cilmi taliyaha ciidamada xoogga dalka Sooamaaliyeed ayaa sheegay in guddiga ay u gudbiyeen qorshahooda ciidamada ee tayayta ciidamada, tirakoobka iyo tababarrada, si sare loogu qaado awooddooda, isagoo xusay in ciidamada ay hadda ku howlan yihiin howlgalo amni.

”Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya waxaa isla garanay in wax badan laga qabto xaaladaha hadda jira, sidoo kalana waxaa ay noo shegeen in ay naga gacan siinayaan sidii ay xuquuqdooda u helli lahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu danbeeyay hakiyay weeraradii ka dhan-ka ahaa Al-shabaab, iyadoo wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaliya oo arintaa wax laga weydiiyay isaga oo jooga London uu sheegay in ay u sabab tahay dhaqaalle la’aan soo food saartay dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com