Abuukaate C/risaaq Nuux "Odoyaashii Ansaxiyey Dastuurka Jubboland Waxa Ay Galeen Qiyaano Qaran,Islamarkaana Waxa Ay Ku Xad Gudbeen Shacabkii Ay Matalayeen".

0

abukateMuqdisho: Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan oo ka mid ah Abuukaateyaasha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka Gedo,kuna sugan muqdisho oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dastuurka dhawaan loo Sameeyay Maamul Goboleedka Jubbaland, iyo sida la’isku waafajin karo dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kan Maamulka Jubaland.

Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan ayaa sheegay in dastuurka Maamulka Jubaland ay ku jiraan qodobo ka hor imaanyo dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya ee la ansixiyay 1-dii Bisha August 2012-kii, Wuxuuna Abuukaatuhu qodobadaasi ku sheegay sida tan.

1-in Dastuurka Jubland uu dhigayo in Madaxweynaha mamulka Jubaland ay soo dooranayaan Ergo ka kooban 500 oo Xubnood aysan dooraneyn Baarlamaanka Jubbaland.

2-In dastuurka Jubaland uu ka hor imaanayo qodobka 4aad ee dhigayo sareenta dastuurka uu ku sheegay abuukaatuhu shareecada Islaamka.

Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan ayaa qodobadaasi ku sheegay in ay yihin kuwo ka hor imaanyo dastuurka dowladda Federaalka Somaaliya, loona baahan yahay in la waafajiyo dastuurka dalka, isagoo inataasi ku daray in wax kasta ee ka horimaanyo dastuurka dalka uu yahay mid sharci daro ah.

Ugu dambeytii Abuukaataha ayaa sheegay in odayaashii ansixiyay dastuurka Jubbaland ay galeen qiyaano qaran, islamarkaana ay ku xad gudbeen Shacabkii ay Matalayeen.

Source: SMN

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com