R/wasaare Saacid Oo Sheegay In Ay Mashaariic Hormarineed Ka Bilaabayaan Gobollada Dalka.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan dowladda federaalka si rasmi ah u bilaabi doonto  mashaariic horumarineed oo dib loogu dhisayo adeegyada muhimka ah ee bulshada kuwaas oo  ay ka fulineyso gobolada kala duwan ee dalka.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay  in qorshaha soo celinta badda iyo soo kabashada dalka ay maalmaha soo aaddan si rasmi ah u bilaabi doonaan,isagoona ku nuux-nuuxsaday iney gobolada si siman uga faa’iideysan doonaan mashaariicdaas.
”Sid deg deg ayaa u bilaabi doonaan mashaariicdaas, sidoo kalana waxaa bilaaban doona dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ah qabad ku hor gudban in la hormariyo adeegyada bulshada lana bilaabo mashaariicda arintaa la xiriirta,” ayuu yiri ra’iisal waasaare Saacid.
Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in xukuumada Soomaaliya si wanaagsan u abaal-marin doonto sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo gacan buuxda ka geystay qorshaha la  doonayo in lagu hormariyo adeegayda bulshada, gaar ahaan mashaariicda xukuumada u qorsheysan in laga bilaabo gobollada dalka Soomaaliya.
Ugu danbeytii waxaa uu sheegay in dowladda ka go’an tahay sidii ay wax badan uga qaban lahayd horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ,dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay usoo nooleyn lahayd kaabayaashii dowliga ahaa ee dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com