Khilaaf Ba'an Oo Hareeyay Shir Ku Sheegi Magaalada Kismaayo.

0

Shirka-Kismaayo1Kismaayo (AGGM): Iyadoo warbaahinta ay ka baahiyeen in lagu jiro diyaar garoowgga gabagabada shir ku sheega magaalada Kismaayo, ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira khilaaf ba’an oo soo kala dhax-galay kooxaha lagu sheegay inay yihiin ergada ka qeyb galeysa shirka magaalada Kismaayo ka soconayo oo qaarkood la sheegay in ay isaga baxeen madasha shirka.

Waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka mid ahaa ka qeyb-galayaasha shirka ayaa u sheegay warbaahinta in ay isaga baxeen shirka kadib markii ay arkeen fara-gelin aan wanaagsaneyn oo ay shirka ku hayaan siyaasiyiin iyo rag sida ay hadalka  u dhigeen ujeedo iyo dano gaar ah leh.

Maalmihii ugu danbeeyay horjoogeyaasha shirka magaalada Kismaayo iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ayaa ku howlanaa sidii ay u xulan lahaayeen odayaal dhaqameed ka qeyb-qaata gabagabeenta iyo fulinta danahooda si ay u doortaan horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, ayaa waxaa lagu eedeeyay horjoogeyaasha shirka in ay xulayaan odayaal isku beel yihiin.

”Annaga shirka waxaan ku aragnay arrimo aan wanaagsaneyn oo wax u dhimi kara midnimada iyo wada nolaashaha beelaha ku dhaqan ama wada dega gobollada Jubbooyinka, waan ka xunnahay in lagu soo xusho ergada heyb qabiil oo aan ognahay in dano gaar ah laga leeyahay,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Kheyr Xaaji Ismaaciil oo la hadllayay warbaahinta gudaha.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ama horjoogeyaasha shirka oo la xiriira eedeynta uga timid qaar ka mid ah ergadii qeybta ka aheyd shirka gacan ku rimiska ah ee Kismaayo.

Kulanka magaalada Kismaayo ayaa waxaa siweyn uga soo horjeeda dowaladda federaalka oo u aragta in uu yahay shir baalmarsan sharciga islamarkaana aan ka tarjumeynin xaqiiqda iyo waaqiciga dhabta ah ee ka jira gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com