Dagaal Beelleed Dad Badani Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobollka W/bari Dalka Kenya.

0

mandera1Mandheera (AGGM): Ugu yaraan 10 ruux oo lagu waramayaa in ay ku dhinteen deegaannka lagu magacaabo Raamo ee ku dhaw degmada Mandheere ee gobollka W/bari dalka Kenya kadib dagaal  beeleed ku dhaxmaray deegaannkaas meeleeshiyaad ka soo kala jeeda labo beelood oo in mudo ah khilaaf ka dhaxeeyay.

 Mid ka mid ah waxgarad in mudo ah ku howlanaa xalinta khilaafka labada beellood oo lagu magacaabo Xaaji Barre Xasan ayaa sheegay in dagaallku uu sababay sida uu hadalka u dhigay burbur soo gaaray deegaanka Raamo iyo barakac ku yimi dadkii ku dhaqnaa Raamo oo ka cararay colaada ka dilaacday deegaankooda.
Maxamed Ibraahim Caliyow oo ka tirsan waxgaradka deegaanka Raamo ee hoos yimaada degmada Mandheera ayaa dowlada Kenya ku eedeeyey ineysan waxba ka qaban xalinta iyo ka hortagida dhibaatada ka dhacday deegaanka Raamo,wuxuuna sheegay in deegaanka uu ka dhacay dagaal ba’an oo aan waxba la iskula harin.
Caliyow ayaa ka dalbaday dowlada dalka Kenya iney si deg deg ah wax uga qabato dhibaatada iyo colaada ka oogan deegaanka Raamo,wuxuuna ugu baaqay beelaha dagaalamaya iney joojiyaan colaada.
Dadka deegaannka uu dagaallka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in xiisada saameyn xun ku yeellatay nolashooda, islamarkaana deegaannka ay isaga barakaceen inta badan dadkii ku dhaqnaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com