Maxamed Cabdi Buule "Cid Walba Oo Damacsan Inay Falal Amni Darro Ah Ka Geysato Kismaayo Gacantaan Ku Soo Dhigeeynaa".

0

taliyaha Saldhiga KismaayoKismaayo (AGGM): Taliska amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay sigida amaanka magaalada.

Maxamed Cabdi Buule taliyaha amniga magaalada Kismaayo oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaalada amaan ee magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay sugida amaanka magaalada, isagoona sheegay in saraakiisha ciidamada magaalada Kismaayo ay ku howlan yihiin sidii ciidamada meleteriga looga saari lahaa gudaha magaalada, si buu yiri amaanka loo xaqiijiyo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in cid weliba oo damacsan in falal amni darro ay ka geysato magaalada Kismaayo ay gacanta ku soo dhigi doonaan, waxa uuna xusay in ay bilaabayaan dhex gelida suuqyada iyo goobaha ay dadka ku badan yihiin si ay u sugaan amaanka guud ee magaalada, isagoona tilmaamay in ay sii dardar gelin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka, ciidamado Boolis oo ku filanna heystaan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo ay sanado maamulayeen gacan ku heynteeda Ururka Al Shabaab ayaa wixii ka dambeeyey markii ay la wareegeen ciidamada dowlada mararka qaar waxaa ka dhacayey falal amni darro, ayadoona ciidamada amaanka ee magaaladaasi ay imika u muuqanayaan kuwa dadaal u galaya xaqiijinta amaanka magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com