Madaxweyne Xasan Sheekh" Hadafkeenu Waa Soomaaliya Oo Mid Ah Oo Leh Hal Dowlad"*Daawasho Wacan*

0

jalLondon (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa waxa uu khudbad meelo badan taabaneyeso ujeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalda London.

Xafladan ayaa waxa asoo agaasimay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London waxaana lagu soo dhaweenayay Wafidga balaaran ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horeeynti Madaxweynaha ayaa waxa uu mahadnaq balaaran u jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed, gaar ahaana gabdhaha Soomaaliyeed, waxa uuna ka codsaday in la garab istaago dowladda Soomaaliya si looga baxo burburka dalka uu ku jiray 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas lama taabtaan ah,waxa kale oo uu sheegay in ay kasoo baxayaan sadexdi D ee ay ku dhaarteen isagoo ku macneeyay sadexdaas Diinta, Dalka Iyo Dadka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa jaaliyada Soomaaliyeed in hadafkood madaxda dowladda uu yahay  in ay arkaan Soomaaliya oo mid ah Min Raas Caseer ilaa Raaskambooni oo hal dowlad leh iyo Soomaaliya oo u dagan xag Amniga, xaga Dhaqaale iyo xag Siyaasadeeda u dagan, aritaas wax kasoo sokeeya oo aan daneeyno ma ay jirto.

Isku soo wada duuboo xafladan soo dhaweeynta ee loo sameeyay Madaxwene Xasan Sheekh Iyo wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayay ayaa ku soo gabgaboowday jawi farxad iyo reen reeyn.

jal

jal1

jal3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com