Ismaaciil Hure Bubaa "Soomaaliya Waa Ay Ka Gudubtay Xiliyadii Looma Dhama La oran Jiray".

0

Ismaaciil-Hurre-buubaaMuqdisho (AGGM): Ismaaciil Hure Bubaa oo ah siyaaasi xilal kasoo qabtey dowladihii kmgka ahaa ayaa ka hadley kaalinta maaamul goboledyadda ay ku leeyihiin ka qeyb galka shirarka caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya loo qabto.

Siyaasi Bubaa ayaaa sheegey in loo baahanyahay in umadda Soomaaliyeed ay fahmaan in uu dhamaadey waqtigii la dhihi jirey looma dhama oo ay dalka u dhisantey dowlad Federaal ah, isagoo oo xusey in shaqada maamul goboleedyadda aysan aheyn ka qeyb galka shirarka loo qabto dowladda federaaalka ah ee Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaa ku darAy in dhamaan maamul goboleedyada ka jira Dalka ay u hogaansamaan Go’aanada Dowladda Federalka ah Soomaaliya.

Siyasigana ayaa tilmaamay in lacagaha loogu deeqo dowladda Soomaaliya ay kusoo xareyso sida uga macquulsan taas oo uu sheegay in dowladdu ay kala kaashato soo xaraynta lacagihii shirkii London loogu deeqey R/wasaaaraha dalka Ingriiska.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com