Gen, Bashiir Goobe Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Nabad-sugida Oo Xilka La Wareegay.

0

bashiir_goobeMuqdisho (AGGM): Waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay agaasimaha hay’adda nabad-sugida oo dhawaan la magacaabay Gen Bashiir Max’ed Jaamac , isaga oo xilkaa kala wareegay C/kariin Xasan Daahir oo si ku-meel-gaar ah u sii hayay kadib markii uu is casilay agaasimihii hore Axmed Macalin Fiqi.

Xassan Sheekh Max’uud madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dabayaaqadii March si ku-meel gaar ah xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda qaranka ugu magacaabay C/kariin Xasan Daahir kaddib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee hay’adda, Axmed Macallin Fiqi.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, taliyaha cusub ee booliska General C/xakiin Daahir Saacid, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Taliyaha cusub ee hay’adda General Bashiir Maxamed Jaamac [Bashiir Goobe] oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyn doono hay’adda nabad-sugidda.

Bashiir Goobe wuxuu sheegay in shaqaalaha hay’adda lagu qiimayn doono heerarka darajadooda iyo waxqabadkooda.

Wuxuu u mahadceliyay taliyihii hore ee hay’adda Axmed Macallin Fiqi oo is casilay dabayaaqadii March, saraakiisha iyo shaqaalaha hay’adda, isagoo rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono howsha loo igmaday.

Taliyaha muddada koobneyd xilka hayay, C/kariin Xasan Daahir oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono taliyaha cusub si hay’adda ay u gudato howlaha adag ee hor yaalla.

Dhawaan ayeey aheyd markii dowladda federaalka ay magacaawaday agaasimaha hay’adda nabad-sugida iyo taliyaha ciidamada booliiska, oo loo kala magacaabay Gen Bashiir Max’ed Jaamac [Bashiir Goobe] iyo Gen C/xakiin Daahir Saciid [Saacid] oo loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada booliiska.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com