Culumaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca Ee Gobolada Dhexe Oo Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan Ah Falaagada Al Shabaab.

0

AhluSUNA12Caabudwaaq (AGGM): Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalada Dhexe ee Soomaliya, qorsheynayo dagaal ka dhan ah falaagada Al Shabaab ee ka arrimiya deegaano ka tirsan Gobalka Galguduud .

Waxa ay sheegeen Culumaa’udiinka Ahlusunna in dagaalkaa uu yahay mid ay doonayaan in ay kaga nadiifiyaan kooxaha ay ugu yeereen Khawaariijta ee dhibaatada ku haya dadka ku dhaqan deegaana hoos yimaada Gobalka Galagaduud.

Abuu Qaadi oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlusunna ayaa u sheegay Saxaafada in qorshaahaan uu yahay mid mudo laga shaqeynayay waxa uuna ka dalbaday Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya in ay ku taageerto dagaalka ka dhanka ah falaagada Al Shabaab.

Deegaano hoos yimaada Gobalka Galagaduud ayaa waxaa ka arrimiyaan falaagada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya waxaana deegnaada ay maamulaan dadka ku dhaqan ka cawdaan cadaadiisa xoogan oo ay saaraan .

Gobalka Galgaduud deegaano hoos yimaada ayaa dhoowr jeer iska horimaadyo culus oo dad badan wax ku noqdeen ku dhexmaray Culumada Ahlu Suna iyo falaagada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allglgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com