Wariyeyaal Ka Tirsanaa Idaacada Al Andalus Ee Al Shabaab Oo Ciidamada Dowladda Isu Soo Dhiibay.

0

Shabaab-afduub1Baydhabo (AGGM): Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay ayaa sheegaya in saxafiyiin ka howlgali jiray idaacada afka shabaab ku hadasho ee Al anadulus ay isku soo dhiiben ciidamada Dowladda Soomaliya ee Gobalka Bay

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Saxafiyiintaa ay isku soo dhiibeen ciidanka Dowlada Baydhabo islamarkaana lugu hayo meel xarun ciidan ah oo ku taala duleedka Baydhabo .

Wariyeyaashaan oo ah laba saxafi ayaa la kala yiraahdaa Cabdi Xakiin Jakaarta iyo Saxafi kale oo la yiraahdo Uwayan Cumar waxa ayna labadooda ka tirsanaayeen Idaacada Shababka oo muda la soo shaqaynayeen .

Inkastoo saxafiyiintaa aysan wali saxaafada hor imaan hadana waxaa la sheegayaa in si dhuumaalaysi ah ku yimaadeen Magaalada Baydhabo waxana ay sheegn in muda dhoor maalmood ah soo lugaynayeen .

Waa markii ugu horayasay ee Saxafiyiin la howlgasha Alshabaab dowladda isku soo dhiibaan waxana arinta tahay mid dad baadn ka yaabisay maadaama ay maqli jireen askar isa soo dhiibtay in maanta dhagahooda ku soo dhacan saxafiyiin isa soo dhiibay .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com