Maamulka Dowladda Ee Magaalada Caabudwaaq Oo Heshiis Dhex Dhigay Beelo Walaalo Ah Oo Dhawaan Dagaalamay.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay iney heshiis kala dhex dhigaan beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay deegaanno hoostaga degmada Balanbal ee isla gobolkaasi Galgaduud.

Maamulka degmada Cabuudwaaq oo gacan ka helaya waxgaradka iyo culumaa’udiinka deegaanka ayaa ku guuleystay iney muwaafaqo dhex dhigaan labao beelood oo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoos taga degmada Balanbal.

Sidoo kale Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanadaasi ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin colaadaasi,  waxeyna ku booriyeen beelahaasi iney ka heshiiyaan wax kastoo oo khilaafaad ah kana qeybqaataan horumarinta deegaanka.

Colaadan ayaa timid kadib markii dhawaan nin hubeysa uu rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa degmada Balanbal taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com