Qodobada Kasoo Baxay Iyo Nuxurka Khudbadaha Laga Jeediyey Shirka Caalamiga Ah Ee London Oo Arrimaha Soomaliya Quseeya ….AKHRISO

0

shirka londonLondon (AGGM): Waxaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada London ee caasimadda dalka Britain shirka caalamiga ah ee London oo arimaha Soomaaliya quseeya ayadoo shirkaasina ay si wadajir ah u shir gudoominayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon.

Shirka ayaa si rasmi ah uga furmay guriga Lancaster house ee magaalada London waxaana kasoo qeybgalay madax ka kala socota in kabadan 50 dowladood oo caalamka ah waxaana uu u jeedada shirkaasi ay tahay in Soomaaliya ay caalamku si wadajir ah u taageeraan ayadoo laga taageerayo qorshayaasha Dowladdu u dejisay hormarinta dhinacyada ammaanka,garsoorka,dib u dhiska iyo dhaqaalaha.

Ra’isulwasaaraha Dalka Britain David Cameroon oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay in Rajada Soomaaliya ay weli nooshahay oo ay ka bidhaameyso waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in dib loo dhiso Soomaaliya si looga maarmo safar baaxad weyn oo ay dadku Soomaaliya u galaan iyo in la helo meel argigixisada loo dhoofiyo.

“amniga Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay ammaanka caalamka oo dhan Soomaaliya waxaa ka jira argigixiso,burcad badeed iyo dhibaatooyin kale waxaasi oo dhanna waa kuwo ka dhashay dayacaad beesha caalamku ay ku sameyso Soomaaliya mana dooneyno in qaladkaasi markale la galo”ayuu ku yiri khudbaddiisa Ra’isulwasaare David Cameroon.

Ra’isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka ay tahay in xiligan Soomaaliya loo taageero oo ay caalamku u taageeraan waxaana uu yiri” in ayada oo si wadajir ah loo taageerayo Soomaaliya waxeynu hirgelin karnaa qorshaha amni ee ay la timaado Dowladda Federaalka Soomaaliya,qorshahaasina waa dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya,taasi waa mida soo afjari doonta falalka argigixisanimo ee ururka Al-Shabaab”

Ra’isulwasaare David Cameroon ayaa madasha ka dhawaaqay yabooh dhaqaale oo ay Dowladda Britain ku taageereyso Soomaaliya oo kala ah:-

Toban Milyan oo geniga Istarliinka ah oo la siinayo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo in ka badan 14Million Geni oo la siinayo hay’adaha iyo Garsoorka iyo Cadaalladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna kulankaasi shir gudoominayey ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ugu horeyn uga hadlay hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay gaar ahaanna hormarrada laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda waxaana uu Madaxweynaha xusay inay lagama maarmaan tahay taageerro xiligan ay beesha caalamku wadajir u siiyaan Soomaaliya ayadoo laga taageerayo ammaanka oo ay ugu horeyso la dagaalanka argigixisada Al-Shabaab iyo in dowladda laga taageero hormarinta dhinacyada garsoorka,Garsoorka iyo dib u habeynta dhaqaalaha.

“dowladdu waxey gaartay guullo aad u farabadan oo dhinacyada ammaanka iyo siyaasaddaba isugu jira waxaana xaqiiqo ah in dhammaan guullahaasi ay ku yimaadeen taageerrada iyo kalsoonida ay beesha caalamku u muujiyeen Soomaaliya oo ah mid dhameystiran sida inoo muuqata, waxaan jeclahay inaan dowladda Britain iyo Ra’isulwasaare David Cameroon uga mahad celiyo hirgelinta shirkan baaxada leh”ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay maalgashi ay xiligan beesha caalamku ku sameeyaan Soomaaliya waxaana uu xusay in Dowladdu ay gacma furan kusoo dhaweyneyso cid walba oo dooneyso iney dalka Soomaaliya maalgashi ku sameyso.

Madaxweynaha oo ka hadlay dhinaca ammaanka ayaa tilmaamay in guul laga gaaray dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-shabaab waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xusay iney lagama maarmaan ay tahay in si guulahaasi ay usii socdaan dowladda laga gacan siiyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida si ay awood buuxda ugu yeeshaan bur burinta argigixisada Al-Shabaab,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha xusay xiriirka ku dhisan deris wanaaga iyo iskaashiga ee ay Dowladda Federaalku la leedahay dalalka deriska la ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa ammaanay isbedellada hormarineed ee xiligan ka jira gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu Madaxweyne Geele xusay lagama maarmaannimada iney caalamku si wadajir ah u taageeraan Soomaaliya xiligan.

Madaxweynaha Uganda Uweri Museveni oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa xusay in Dowladda Uganda ay had iyo goor garab taagantahay Soomaaliya taageeradaasina ay qeyb tahay Ciidammada ka socda dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya waxaana uu Madaxweyne Museveni xusay in taageeradaasi ay Dowladda Uganda sii wadi doonto.

Ra’isulwasaaraha Ethiopia  Hayle Mariam Disale oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa ku dheeraaday hormarka xiligan ka jira Soomaaliya waxaana uu Ra’isulwasaare Mariam xusay hadii caalamku ay si wadajir u taageeraan dib u dhiska iyo hormarka Soomaaliya, dowladiisana ay wadashaqeyn dhow oo ku dhisan iskaashi iyo deris wanaag ku dhisan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyata oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in dowladiisa cusub ay aad u garab taagantahay hormarka uu caalamku la garab taaganyahay Soomaaliya waxaana uu codkiisa ku biiriyey in caalamku ay si wadajir ah xiligan usii taageeraan Soomaaliya.

Hadaba Yaboohyada dhanka dhaqaalaha ah ee shirka laga muujiyey ayaa kala ah:-

Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.

75Million $ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.

Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.

Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Qatar 18 Million $ oo dollar.

Dhammaan yaboohyadan waxey hordhac u yihiin yabooh dhaqaale oo ay caalamku wadajir ugu taageeri doonaan hormarinta dib u dhiska Soomaaliya ayadoo taageradaasi inteeda badan la filayo in caalamku ay ku muujiyaan shir bisha September ee sanadkan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Hadaba warmurtiyeedka kasoo bixi doona gebagebada shirka oo Radio Muqdisho uu si hordhac ah u helay ayaa qodabada ku xusay waxaa ka mid ah:-

Bogaadin loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan  ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.

In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.

Dhameystirka Dastuurka qabyada

La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka

In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho

Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland

Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.

In la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka  deeqaha bixiya.

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa wareysi uu siiyey idaacadda codka Mareykanka ee VOA ayaa ka hadlay sameynta qodobka la xiriira sanduuq dhaqaale oo Soomaaliya lagu taageerayo waxaana qodobkaasi uu wasiirku ku tilmaamay mid muhiimadiisa leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com