Muhiimada Shirka London Iyo Waxyaaba Uu Xanbaarasan Yahay.

0

lon2Ayadoo 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012, lagu qabtay Magaalada London ee xarunta dalka Britain shir looga hadlaayay arrimaha Somalia, ayaa maanto oo taarikhdu ay tahay 7-da bisha Maajo sanadka 2013 waxaa lagu wadaa in shir kale oo looga hadlaayo arrimaha Somalia uu ka furmo isla magaalada London.

Shirkaan ayaa waxaa lagu casuumay iney ka qeyb galaan in ka badan 50, dowladood iyo ururo caalami ah oo ay ku jiraan dowladaha dariska la ah Somalia, Wadamada deeqda bixiyo, dalalka daneeyo arrimaha Somalia, Ururada Midowga Yurub, Midowga Africa, Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Hay’adda caalamiga ah ee lacagta Adduunka IMF oo dhawan aqoonsatay dowlada Somalia.

Dowlada britain oo abaabul xoogan u gashay sidii ay u soori laheyd martida ka soo qeyb galeyso Madasha ayaa horay u shaacisay, inta shirka uunan furmin ka hor 7-da bishaan, in qorshuhu uu yahay in 6-da bisha May uu tago London madaxweynaha Somalia Xasan Sheeq Maxamuud si uu kulan gooni ah ula sii qaato masuuliyiin ka tirsan dowlada Britain ayadoona shirka ay wada shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain.

Shirkaan wuxuu oga duwan yahay Shirkii London ka dhacay  February 2012

Shirkaan ayaa wuxuu oga duwan yahay shirkii billowgii sanadkii hore ka dhacay UK, ayadoo beesha caalamka ay haatan u muuqato iney aad u daneyneyso arrimaha Soomaaliya iyo ayadoo uu shirkaan u muuqdo inuu yahay mid qeyb kamid gacanta loo galiyay Soomaaliya, madaama Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain David Camaron ay wada shir gudoomin doonaan fadhigaan Soomaaliya loogu tala galay.

Sidoo kale wadanka Soomaaliya ayaa muddo 22 sano ah kadib, hada waxaa ka jiro dowlada rasmi ah oo adduunku uu aqoonsaday halka shirkii hore ee London uu dhacay xili somalia ay ka talineysay dowlad kumeel gaar ah.

Shirkii horay oga dhacay London waxaa looga hadlay, qodob ay ka mid ahayeen Ammaanka, Argagixisada, in Soomaaliya ay ka gudubto Dowladaha KMG ah, una  gudubto dowlad buuxda, Falalka Burcad Badeedda, Kaalmada bani’aadannimo, Kordhinta ciidamada Amisom iyo qodobo kale.

Dhanka Somalia waxaa looga casuumay shirkii kan ka horeyay shan qeybood oo xiligaas hor boodayay inta badan siyaasada gobalada ku yaallo Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo kala ahaa;- Madaxdii Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliyeed, Madaxdii Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, Maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasada Soomaaliya UNPOS, ayadoo shanktaas qeybna loo yaqaanay waagaas Saxiixayaasha Road Mapka ama qariirada nabada.

Waxyaabaha Looga Hadlaayo Shirkaan

Shirkaan maanta furmayo, waxaa looga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya iyo sida Beesha caalamka ay ugala shaqeyn karto dowlada federalka Somalia arrimaha mudnaanta u leh sida:  dib-u-dhisidda ciidamadda qalabka-sida, Hanaanka Caddaaladda iyo Maareynta Hantida dad-weynaha, Maaliyadda dowladda iyo gacan ka geysashada abuurista degannaansho siyaasadeed.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Lixdii qodob ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay markii la dooratay kuwaasoo uu ku sheegay iney noqon doonaan qorshihiisa siyaasadeed, kala ahaana:

1.  Ammaanka

2.  Caddaaladda

3.  La dagaalanka Musuq-maasuqa

4.  Dar-dar gelinta soo kabashada dhaqaalaha

5.  Bixinta adeegyada Caafimaad iyo Waxbarashada

6.  Dhiirri-gelinta iskaashiga caalamiga ah iyo illaalinta midnimada Umada Soomaaliya.

Lixdaas qodob ayaa laga dhex xushay afar kamid ah si muhiimad gooni ah loogu siiyo,  laguna faaqido intuu socdo shirku. Sidoo kale dowlada Somalia ayaa la sheegay iney la imaan doonto qorshaha shirka halka beesha caalamkana ay ka fekeri doonto waxyaaba dowlada Somalia ay soo bandhigto.

Wada-hadaladii dhawaan dhex maray Somalia iyo Somaliland ayaa lagu soo qaadi doonaa qaabkii lagu sii wadi lahaa, waxaana la sheegay inuu socon doono shirkaan dhowr maalmood ayadoona ay kulankaan goob joog ka ahaan marti sharaf badan oo lagu casuumay.

Shirkaan ayaa ku soo beegay ayadoo bishii August ee sanadkii hore uu dhamaaday  wakhtigii Dowladdii Federaalka ee Ku-meel gaarka ahaa, haddana Soomaaliya ay  leedahay dowlad ka sharciyad wanaagsan kuwii soo maray Somalia sanadihii la soo dhaafay.

Waxyaaba hor yaallo dowlada ee Madaxweynaha markii la dhaariyay uu balan qaaday

Dowlada Somalia oo ku jirto dadaallo ay ku damacsan tahay iney Somalia ugu hirgaliso xasiloona iyo dib u dhis, ayaa waxaa hor yaallo dagaalka ba’aan  oo ciidamada dowlada oo kaashanaayo kuwa midowga Africa ee AMISOM ay kula jiraan xoogaga Al Shabab oo wali ka taliyo qeybo kamid ah Gobalada Konfureed ee dalka.

Waxaa sidoo kale ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan dowladaan iney fuliso qodobo kamid ah balanqaadyadii ay fidiyeen Madaxda dowlada markii ay tartanka ku jireen, kuwaasoo ay kamid ahayeen;- soo celinta adeegyadi bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Adeegyadii Caafimaadka, Tayeeynta Waxbarashada iyo shaqo abuurista shacabka loo saameeyo.

Ayadoo bilihii la soo dhaafay ay gacanta dowlada soo galeen magaalooyinka waa weyn oo horay ay oga talin jireen Al Shabaab, ayaa tilaabooyinka iyo qodobada horyaallo Dowlada Federalka Somalia, waxaa kamid ah iney ku fidiso maamulkeeda wadanka oo dhan, si afar sano kadib loo gaaro in qof kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibta doorashada soo soco.

Xilliga wakhtigeedu uu dhamaanaayo iney qabato dowladaan doorasho guud oo ka dhacdo Soomaaliya, iney tix-galiso furashada asxaab siyaasadeed, in afti dadweyne loo qaado Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo in shacabku ay soo doortaan xildhibaano cusub.

In ay abuurto kalsoonida shacabka ayna isku celiso hantida la kala haysto, si ay dalka dib ugu soo noqdaan dadkii ka cararay soomaaliya 22-kii sano ee dhibaatada iyo fowdadu ay jirtay.

Dowladaha waa weyn ee adduunka oo ay ugu horeeyaan wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa dib u soo ciliyay xiriirkii ay la lahayeen Somalia oo hakad ku jiray muddo 20 sano ka badan, taasna waxey hor seeday in dalal fara badan ay dib oga furteen magaalada Muqdisho safaaradii ay ku lahayeen, danjirayaalna ay u soo magacaabeen.

Soomaaliya ayaa hada waxey u muuqataa iney cagta saartay wadadii nabada ee ay ka luntay muddo dheer ka hor, ayadoona hada u muuqato iney dib ugu soo biireyso saaxada siyaasada, waxaana jiro caqabada xoogan oo horyaallo dowlada somalia taasoo ay kamid tahay, anshax daro lagu eedeyo ciidamada dowlada oo la sheegay iney tacadiyo iskugu jiro dil, dhac iyo kufsi kula kacaan shacabka gudaha ku soo barakacay iyo in si xun loo maamulo dhaqaalaha soo galo dowlada iyo isku dheeli tir la’aan ka jirto laamaha kala duwan ee dowlada.

Balse taas ayaa waxey u muuqataa mid meesha ka bixi kareyso haddii madaxda dowlada ay masuuliyada iska saaraan gudashada xilkooda iyo iney si wanaagsan ugu shaqeeyaan danta umada Soomaaliyeed.

Shirkaan maanta billowday, ayaa xiligii qaban qaabadiisa ay socotay waxaa ka hadlay dad fara badan oo magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana kamid ah dadka ka hadlay shirkaan Ra’iisal Wasaaraha Britain David Camaron oo lahaa qaban-qaabadii shirkaan,  Oradyahanka Soomaaliyeed ee u orday UK Mohamed Farah oo magaciisa loo soo gaabiyo (Mo Farah), Xildhibaanada Soomaaliyeed Caasho Xaaji Cilmi iyo Wasiirka Wasaarada Horumarinta iyo addeega Bulshadda Somalia DR’s Maryan Qaasim Axmed.

Qoraa: Abdisalan Mohamed Ali (Najah)
najah.moha@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com