Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Mar Kale Dib Loo Xiray.

0

wadooyinkaMuqdisho (AGGM):Waxaa maanta dib mar kale loo xiray Wadooyinka Halbowlaha ah ee Magaalada Muqdisho kadib markii maalin  ka hor dib loo furay waxana la xiray wadada Maka Almukarama ilaa Garoonka Aadan cade halkaa oo la soo daadiyay Ciidama tira badan .

Xiritaanka Wadooyinkaa ayaa noqotay mid dadka u kala goosha degmooyinka Gobalka Banaadir ka walaacan waxaana gabi ahaanba la sheegay in uusan shaqaynayn wax gaadiid ah waxana  dadku isticmaalayaan lugtooda  .

Ciidamada La soo dhigay wadadaa ayaa gabi ahaanba dhagxaan ku xiray laamiga waxa ayna ku wargalinayaan Gadiidka Wadada isticmaalaya in dib ugu laabto halkii uu ka yimid .

Ardayda wax ka barata Goobaha ka baxsan deegaanadaa Booliiska la soo dhigay ayaa ka mid ah dadka sida gooniya uu saamaysay arintaa waxa ayna tilaabada saraakiisha Booliska ku sheegeen mid amni sugid ah .

Maalin ka hor ayay ahayd markii Wadadaa dib loo furay kadib howlgalo maalma socday oo halka ka socday hayeeshee waxaa mar kale soo laabtay howlgalkii kadaib qarax dad rayid ah wax ku nqodeen oo shalay Dhacay .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com