Falaagada Arxanka Daran Ee Al Shabaab Oo Fal Naxdin Leh Ka Geystay Degmada Qoryooley Ee Gobollka Shabeellaha Hoose.

0

alshababMarka (AGGM): Wararka ka soo baxay degmada Qoryooley ee gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab halkaa ka geysteen fal xanuun badan oo ay siweyn uga naxeen bulshada ku dhaqan degmada iyo guud ahaan gobollka Shabellaha hoose, kadib markii ay ku dilleen qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo wiil ay dhaleen.
Wararku waxaa ay sheegayaan in qoyska dhammaantood lagu diley mindi sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Qoryooley oo u diiday sababo ammaan in magacyadooda la xigto.
Dadka degmada ayaa sheegaya in qoyska la dillay ahaayeen kuwo aan wax lug ah ku leh siyaasadaha dalka Soomaaliya ayna ahaayeen oo kaliya qoys ku nool waxa ay ka helaan beertooda.
Degmada uu falka ka dhacay ee Qoryooley waxaa maamulkeeda gacanta ku haya ku haya ururka Alshabaab waxaana halkaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan ururka ALshabaab kadib markii ay isaga soo baxeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Horjoogayaasha maleeshiyada  Al-shabaab ayaan wax hadal ah ka soo saarin falka lagu laayay qoyskan beeralayda ah ee ku noolaa deegaanka Buulo Sheekh oo dhinaca koofur kaga beegan qiyaastii 9km.
Ma’aha markii ugu horeysay oo falal noocan oo kale ay ka geystaan Al-shabaab ee degaannada ay maamulaan, waxaana xusid mudan in marar badan oo kala gadisan sida oo kale dad rayid ah ugu dilleen deegaannada ay gacanta ku hayaan ee dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com