Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Wadada KM4 Ee Magaalada Muqdisho.*Daawo*

0

Qaraxii_Ismiidaaminta_-ahaa_2Muqdisho (AGGM): Qarax loo adeegsaday Gaari Qarax lagu soo Xiray oo lala Eegtay Gawaari ay saarnaayeen Sarakiil Cadaan ah ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho Gaar ahaa Isgooska KM4  waxaana halkaa ku naf waayay dad Aad u fara badan oo shacab iyo Dadkii Qaraxa lala Eegtayba isugu Jira .

Qaraxa Cida Sida Rasmiga ah loola Eegtay Ma Cada hase ahaatee waxaa la soo sheegay in Labo Gaaro oo Mid uu ahaa Gawaarida Bulad Buruufka loo Yaqaano  uu ahaa oo uu lahaa Wasiirka arimaha Gudaha iyo amaanka qaranka iyo Mid kale  lala beegsaday qaraxa isla markaana halkaa ay ku bas beeleen Labadii gaari ee la beegsaday  inkastoo aanuu la socon wasiirka Xiligaas.

Dhamaan Dadkii Saarnaa Gawaarida ayaa Geeriyooday Qaraxa waxaa sidoo kale halkaa ku geeriyooday inta la Xaqiijiyay  ku dhawaad dhowr iyo 10 qof  halka intaa in ka badana ay dhaawacmeen maadaama goobtu ahayd goob aah u saxmad badan oo bosteejo gawaarida laga raacana ay ka agdhaweed.

Gudoomiyaha Degmadda Hodan oo Saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Qaraxa lala Eegtay Saraakiil ajaanib ah oo Mareysay Goobta lkn ma uusan cadeyn Dalalka ay ka soo jeedaan iyo waxa ay shaqadoodu ahayd in kastoo warar aanu helnay ay sheegayaan in ay u dhasheen dadkaasi la qarxiyay wadanka Qadar.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo amaanka qaran Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo Goobta tagay wax yar uun ka dib markii qaraxa dhacay ayaa waxaa in dha indheeyay sida ay wax uga dhaceen KM 4 inkastoo uusan Saxaafada la hadlin oo loo diiday wariyaasha madaxa banaan in ay la hadlaan wasiirka .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com