Madaxweynaha JFS Oo Booqasho Ku Tegey Degmada Dayniile.*Daawo Sawirada*

0

dany5Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidamadda ayaa maanta booqasho ku tegey Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Maamulka cusub ee Degmada Deyniile iyo bulshadda qaybaheed kala duwan ayaa Madaxweynaha JFS ku soo dhaweyey Degmada, Iyadoona halkaas ay ka dhacday Munaasabad ballaaran oo ay dadka degaanku ku muujiyeen rabitaankooda ku aadan dowladnimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyey halkaasi ayaa uga mahad-celiyey dadka degaanka soo dhaweynta “ maanta waa maalin aad iyo aad iigu qiimi badan inaan u imaado dadka reer dayniile oo runtii ah dad aad waayo- arag ugu ah xog-ogaalna u ah daruufihii dalkaani uu soo maray” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ballan-qaaday dadka ku nool degmada Dayniile in ay heli doonaan dhammaan adeegyada aasaasiga u ah nolasha.

dany2

dany3

dany

dany1

dany4

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda
Malik Abdalla: media@presidency.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com