Horjoogaha Guud Ee Falaagada Al Shabaab Axmad Godane Oo Fariin Maqal Ah Soo Saaray.*Dhageyso*

0

ahmed-godaneHoggaamiyaha falaagada Al-Shabaab Axmad Cabdi Godane oo loo yaqaan Abuu Zubeyr ayaa fariin cod ah uu soo diray wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo quseya siyaasadda Soomaaliya, dagaalada ay kula jiraan Dowladda iyo ciidamada shisheeye iyo shirka Londan ka furmi doona 7 bisha May.

Abuu Zubeyr ayaa ugu horeyn wuxuu ka hadlay weerarkii 14-kii bishii April ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir, isagoo bogaadiyay kooxihii fuliyay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay kuwo u hiiliyay diinta alle iyo baabi’inta caddowga Islaamka.DHAGEYSO CODKA AXMED GODANE

Wuxuu sheegay in Dhiiga askarta Al-Shabaab ka tirsan ee Naftooda huraya in uu fashiliyay Duulaano badan oo la qorsheeyay oo lagu soo qaaday Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay iney soo qaadeen Mareykanka , Itoobiya iyo Sidoo kale Dowladihii KMG ahaa ee kala Hogaaminayeen C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Waa dhiigga Shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku ku soo qaaday dalkeena, waa dhiigga shuhadada waxa Itoobiya u diiday iney qabsadaan dalkeena, waa dhiigga shuhadada waxa dumiyay shirqoolladii C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif , waa dhiigga shuhadada waxa burburin doona dabinada Ugaandheeska iyo dabadhilifkooda” ayuu yiri Amiir Sheekh Abu Zubey.

Wuxuu fariintiisa ugu hadlay Shirka 7-da bishan ka furmaya Magaalada London ee looga hadlayo Arimaha Soomaaliya waxa uuna xusay in Shirkaasi uu dhameystir u yahay Shirqoolo sanadkii hore lagu maleegay Shirkani midkii ka horeeyay ee isla Londan ka dhacay.

Abuu Zubeyr wuxuu sheegay in shirkani uu yahay mid lagu looga arrinsanayo meel marinta shirqoollada ay ka mid yihiin ilaha dhaqaalaha ee dalka in lala wareego, kala qeybinta dalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka Federalsmka.

Mar uu ka hadlayay Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ku sheegay in Dowladihii hore Dowladdan kaga dheereeso dhinaca waxa uu ku sheegay Daba dhilifnimo ayna awoodi waayeen in ay go’aan mid ah yeeshaan.

“Umaddu waa iney ku baraarugto in kooxdani ay dalkeedii, diinteedi iyo Umaddeeba cadow ku tahay, waxey horor ku yihiin wax kasta oo ay Umaddu ku dhaadaneysay Diin, Dal, Sharaf iyo Maal intaba, shakina kuma jiro iney ku danbeyn doonaan halkii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay, marka laga dan dhameystana iyagoo dulleysan in dibadda loo tuuri doono” ayuu yiri Sheekh Abu Zubeyr.

Hoggaamiyaha Shabaab ee Mareykanka dul dhigay Malaayiinta Dollar ayaan soo hadal qaadin khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Madaxda Shabaab kuwooda Ajaaniibta iyo Soomaalida ee dhaliilsan qaabka shaqo ee uu ku howlgalo, iyadoo todobaadkii hore qoraal ay soo saareen hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Xasan Dahir, Abuu Mansuur iyo rag kale ay ku dhaliileen Axmad Godane maamul xumo iyo kala qeybin Shabaabka dhexdiisa ah.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Axmed-Godane.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com