Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabab Oo Sheegtay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Maanta Ka Dhacay KM4.

0

abu muscabMuqdisho (AGGM): Falaagada Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda federalka Soomaaliya ayaa durbaba sheegtay mas’uuliyada weerar galaaftay nolashada tiro ka badan 10 ruux oo rayid ah oo maanta ka dhacay isgooyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan Al-shabaab C/siis Abuu-muscab ayaa sheegay in weerarkii Muqdisho uu ahaa mid ay ku beegsanayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowaldda Soomnaaliya, ayna ka go’an tahay inay beegsadaan mid walba oo ka madaxda dowladda.

“Waxaa jira weeraro kale oo aan ku beegsan doono mas’uuliyiinta dowladda iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan,” ayuu yiri Abuu-Muscab oo intaas ku daray in weerarkii maanta ay ka gaareen ujeeddadii ay ka lahaayeen, balse ma sheegin khasaare ay ku geysteen.

Waxaa uu sheegay in weerarku ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo wasiirka arrimaha gudaha, laakiin lama uusan socon xiligaa gadiidka weerarka lagu qaaday.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ha’yadaha ammaanka ee dowaldda Soomaaliya ay muddo afar casho xireen jidadka Muqdihso iyagoo sheegay inay heleen farriimo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay ka geysato caasimadda qaraxyo.
Warka ka soo yeeray Al-shabaab ma’aha kii ugu horeeyay oo ay ku sheegtaan in ay mas’uul ka ahayeenqaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo sababay khasaarooyin fara badan oo intooda soo gaaray dad shacab ah.

Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab ayaa ku boorriyay dagaalayahannada kooxda inay xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah dowladda oo ay ka mid yihiin kuwa is-qarxinta ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inaysan ka baqin tirada ciidamada ay dagaalka kula jiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com