Dowladda Mareykanka Iyo Qaramada Midoobay Oo Cambaareysay Qaraxii Ismiidaaminta Ahaa Ee Maanta K Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

us and unMuqdisho (AGGM): James Swan, Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii is qarxinta ahaa ee maanta Muqdisho ka dhacay, kaas oo lala eegtay kolonyo gaadiid ahaa oo ay la socdeen samafalayaal u dhashay dalka Qadar inkasta oo wax qasaara ah uusan gaarin.

War uu soo saaray James Swan ayuu ku sheegay in weerarka uu ahaa mid waxashnimo ah, wuxuuna tacsi u diray eheladii dadkii ku dhintay weerarka.

Sideeed qof ayaa ku dhimatay weerarka oo ka dhacay waddada KM4, iyadoo bar-tilmaameedkii lala rabay oo ahaa gaarigii ay saarnaayeen sama-faleyaasha uu ka badbaaday.

Dhinaca kale, danjiraha xafiiska ka tagaya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga ayaa isna cambaareeyay weerarka.

Danjire Mahiga waxa uu sheegay in Soomaaliya bilihii la soo dhaafay ay sameysay horumar la taaban karo, wuxuuna intaas ku daray in weerarada ka dhanka ah rayidka aysan marnaba noqon kareyn kuwa sax ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka maanta oo ay ku sheegeen in ay la’eeganayeen wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com