XARUNTA CALI KAAR OO SOO DHAMAYNAYSA 3MAY MAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA

0

CalikaarXarunta Calikaar ee Nabadda, Xuquuqul insaanka iyo Dimuquraadiyadda waxay soo dhaweynaysaa maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka oo ku began 3May.

Xaruntu waxay kala qeyb qaadanaysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo u dabbaal dagidda maalintaas iyadoo sidoo kalana la qayb sanaya dhibaatada ba’an ee soo wajahda Suxufiyiinka Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale Xaruntu aad uga xuntahay tacadiyada ka dhanka ah Suxufiyiinka Soomaaliyeed ee Bulshada indhaha u ah, taasoo mar walba ay kula kacaan dad ka soo horjeeda hormarka iyo Dimuquraadiyadda waddanka Soomaaliyeed.

Sida ku cad war-bixinno ay aruurisay Xarunta Calikaar, waxaa sannadkaan la dilay 5 Suxufi oo ka hawlgala warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Xaruntu waxay sidoo kale horey u soo saartey sannadkii 2012dii war-bixin muujinaysay tacadiyada loo geysto Suxufiyiinka iyo War-baahinta Soomaaliya, iyadoo la dilay 18 Wariye, lana dhaawacay in kabadan 5wariye iyadoo la xirey in ka badan 30 wariye  loona hanjabey in ka badan 50 Wariye.

Xaruntu waxay ku dhiirri gelinaysaa Suxufiyiinka Soomaaliyeed in ay hawshooda Saxaafadeed sii wadaan aysanna niyad jabin kuwa ka soo horjeeda jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale Xaruntu u soo jeedinaysaa Ummadda Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Suxufiyiinka Soomaaliyeed.

XARUNTA CALIKAAR EE NABADDA, XUQUUQUL INSAANKA IYO DIMUQURAADIYADDA,
XARUNTA DHEXE EE KISMAAYO, SOOMAALIYA,
E-MAIL: aphad@live.com/ info@aphad.org

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com