Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayoa yaa waxa ay sheegayaan in ilaa afatameeyo kamid ah ergadi la sheegay iney ka yimaadeen gobolka Gedo ay isaga soo baxeen madashi shirka islamarkaana ay soo dageen qaar kamid ah Hoteelada magaalada Kismaayo.

Ergadan la sheegay iney shirka kasoo baxeen ayaa markoodi hore kasoo kicitimay magaalada Doolow ee gobolka Gedo, wararkuna waxa ay sheegayaan in ergadan ay ka biyo diideen qaabka foosha xun ee ay wax u wadaan horjoogeyaasha shirka la sheegay in lagu yagleelayo maamul goboleed lamagac baxa Jubbaland.

Sidoo kale warar si hoose nagu soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in shirka maamul usameenta Jubbooyinka iyo Gedo gabi ahaantii lagu wareejinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waloow aan weli la shaacin warkan.

Shalay ayay ahayd marki war-murtiyeed laga soo saaray xarunta urur goboleedka IGAD ee magaalada Addis Ababa halkaas oo ay ku shirayeen madaxda dowladdaha ku bahoobay ururka IGAD, war-mutiyeedkaa ayaa waxaa lagu sheegay in faraha looga qaado dowladda Soomaaliya maamul u sameeynta gobolada dalka Soomaaliya, islamarkaana gudi ka kooban dowladdaha IGAD iyo Dowllada Soomaaliya loo diro magaalada Kismaayo si ay qiimeeyn ugu soo sameyaan xaaladda dhabta ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo weliba rabitaanka shacabka ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale Nimco Rabbi ayaa maanta ku hoortay magaalada Kismaayo oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeeda, waxaana wejiyada dadka ka muuqday qaboow iyo daganaan.

Isku soo wada duuboo waxaa maanta dagan jawiga magaalada Kismaayo habayaraato’e magaalada kama aysan dhicin wax isku dhac ah noocuu doonaba ha noqdo’e.

Shar Iyo Qeeyrba Waxii Ka Jira Magaalada Kismaayo Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com