War Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirki Ay Madaxda IGAD Ku Yeesheen Magaalada Addis Ababa.*Akhriso*

0

Igad_head_of_StatesAddis Ababa (AGGM) : Wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa warmurtiyeed ay kasoo saareen shirkii uga socday magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya uga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya, kuwaasoo ay ugu muhiimsantahay arinta maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya

Wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa warmurtiyeed ay kasoo saareen shirkii uga socday magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya uga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya, kuwaasoo ay ugu muhiimsantahay arinta maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen madax ka socotay wadamada xubnaha ka ah ururka islamarkaana uu shir gudoominayay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailamaram Desalegn ayaa waxaa la isku afgartay qodobo dhowr ah oo khuseeya Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee kasoo baxay shirka waxaa kamid ah:

1-In la xurmeeyo dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya iyo weliba tallaabooyinka muhiimka ah ee ay hore u qaaday bilooyinkii lasoo dhaafay.

2-Ururka ayaa amaanay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu dhawaaneeyso gobollada dalka islamarkaasina ay culeyska u saareeyso sidii uu dalka uga hirgeli lahaa nidaamka Federaalismka.

3-Ururka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarrada ay kooxda Al-shabaab ka geysato gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

4-Ururka ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan nidaamka ay dowladda Soomaaliya dooneyso in ay dalka uga hirgeliso maamul goboleedyo, waxaana uu ururku taageeray in dowladda Soomaaliya ay hogaamiso dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

5– Waxaa la isku raacay in  magaalada Kismaayo loo diro guddi  Xaqiiqo raadin ah oo ka koobnaan doono xubno ka socda ururka IGAD islamarkaasina ay wehlin doonaan masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo qiimeyn kusoo sameyn doona xaaladda dhabta ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo weliba rabitaanka shacabka ku dhaqan halkaasi.

6-Qodobadan iyo qodobo kale oo badan ayaa waxa saxiixay dhamaan wadamadii kasoo qeybgalay shirka, waxaana sidoo kale loogu baaqay dhamaan dhinacyada ay ka go’do talada dalka in ay taageeraan go’aamadaasi laga soo saaray shirkii uu urur goboleedka IGAD ku yeeshay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warmurtiyeedka Oo Ku Qoran English.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com