Odoyaal, Siyaasiyiin, Saraakiil Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka Gedo Oo Ku Shirey Degmada Luuq Oo Kasoo Horjeestay Shirka Ka Soconaya Kismaayo.*Daawo+Dhagayso*

0

ugaaskaaLuuq (AGGM): Maalinimadii Talaadada ee lasoo dhaafay oo ay taariikhdu aheyd April 30, 2013 ayaa waxaa magaalada Luuq ee gobolka Gedo ka furmay shir socday laba maalmood oo ay kasoo qeyb galeen odayaasha dhaqanka ee Gobalka Gedo, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Waxgarad, kaasoo uu furay guddoomiyaha degmada Luuq Cabdulaahi Ibraahin Axmed Bare (Kureedow), uuna shir guddoominayay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib, ayaa waxaa shirka kasoo baxay Qodobadan hoos ku qoran:

Waxaa si buuxda la iskugu raacay in aysan jirin ergo gobolka Gedo wakiil ka ah oo ka qeyb galeysa shirka ka socda magaalada Kismaayo, isla markaana waxaa Dowladda Feeradaraalka laga codsanayaa in ay sugto amniga iyo kala danbeynta magaalada Kismaayo oo aad moodo in uu buuq iyo isgarab yaac badan ka jiro.

Waxgaradkii shirka kasoo qeyb galay waxay dhamaan bulshada kasoo jeeda gobolka Gedo ee ku dhaqan dal iyo dibadba ku war gelinayaan in dhawaan la qaban doono shirweyne wada tashi oo si weyn looga hadli doono aayaha bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Wada tashi dheer kaddib, waxaa la’isku afgartay in la qabto guddi farsamo oo soo qaban-qaabin doona u gogal xaarka qabashada shirweynaha gobalka Gedo ka dhici doona.

Waxaa shirka lagu taageeray si weyna loogu soo dhaweeyay qorshaha ay wado Dowladda Feeradaraalka Soomaaliya ee ku wajahan maamul u sameynta gobalada dalka.

Ugu dambayntii, waxaa war saxaafadeedkaan akhriyey soona xiray shirka Uagaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow.

Waxii tafaasiil ah oo shirkaan ku saabsan waxaa laga xiriiri karaa hawl wadeenada Shirka oo kala ah:

Barasaabka Gobalka Gedo, Maxamed Cabdi kaliil – Tel. 0615811798

Korneel Xasan Daahir Yarow –  Tel. 0616477217
Isaaq Roonow Xasan                   Tel.  0615812778
Ibraahin Aadan Cabdi                 Tel. 0618929546

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/wareysi_ugaas_maxamed_xasan_yarow.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

ugaaskaa

ugaaskaa3

ugaaskaa2

ugaaskaa1

Aden Bare, Luuq Ganaane/Somalia.

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com