Kenya Oo Laba Iiraaniyiin Ah Ku Eedeysay Inay Maleegayeen Qaraxyo Aragagixisnimo.

0

iraan kenyaNairobi (AGGM): Maxkamad ku taala dalka Kenya, ayaa 2 nin oo kasoo jeeda dalka iiraan ku eedeysay iney qorsheeynayeen weeraro ay ku qaadaan bartilmaameedyo reer galbeedka ay ku leeyihiin dalka Kenya.

Bishii June ee Sanadkii lasoo dhaafay, ayaa saraakiisha dalka Kenya waxay xireen (Axmed Abuu Faatix Maxamed iyo Sayid Mansuur Muusa), Waxaana markii la qabanayay ay wateen waxyaabaha qarxa oo culeyskooda lagu qiyaasay 15kgrm.

Maxkamada Kenya, ayaa labadaan nin ku eedeysay ineey ku xiranyihiin (Shabakad Argagixiso), waxaana sida la sheegay ay qorsheeynayeen ineey qaraxiyaan danaha ay doowladaha ingiriirska, Mareeykanka iyo Srael ku leeyihiin magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Labadaan nin ee kasoo jeeda Iran ayaa diiday eedeymaha loosoo jeediyay, waxaana hadii ay ku cadaato ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 15 sano.

Sidoo kale masuuliyiinta Kenya, ayaa sheegay in labadaan nin ay ka tirsanyihiin Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Kacaanka iiraan.

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi, ayaa lagu wadaa in labadaan nin ay go’aan ka gaarto 6da Bishaan, mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay doowlada Iiiraan.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com