Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Hortagaya Barlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

0

xasan sheekh baarlamaankaMuqdisho (AGGM):Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in uu hortago Barlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya halkaasi oo uu barlamanka uga warbixin doono howlaha dowladda.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo aan la hadlay  ayaa ii sheegay in kulanka maanta uu xasaasi yahay, islamarkaana Madaxweynuhu uu ka warbixin doono wixii u baq soomay dowladda intii ay jirtay.

Lama hubo in xildhibaanada loo ogolaan doono in ay su’aalo wey diiyaan Xasan Sheekh laakiin waxaa la sheegayaa in barlamanku ay rabaan in Madaxweyna uu u sharxo arrimaha ku aadan wada hadalada dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland, arrimaha Jubooyinka, shirka London iyo arrimaha Amaanka.

Kulanka oo ka dhici doona xarunta golaha shacbiga ayaa waxa uu ka soo hormarayaa safarka Madaxweynaha ee Magaalada London halkaasi oo uu uga qeybgali doono shirka Soomaaliya ay 7-bishan furmaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com