Magaalada Dhuusamarreeb Oo Xabsiga Loogu Taxaabay Nin Dhaawacay Aabbihiis.

0

xabsiMuqdisho (AGGM): Ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa galabta gacanta ku soo dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Siyaad oo ku hubeysnaa qoriga AK-47, kaas oo lagu eedeeyay inuu aabbihiis dhaawac ugu geystay deegaanka Qalanqalle ee isla gobolkaas.

Cabdiweli Siyaad oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljacaada ee degmada Dhuusamarreeb ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkaas lagu xiray xabsiga degmada, isla markaana ay ciidanku waydiinayaan su’aalo la xiriira falka lagu eedeeyay.

Wuxuu xusay in dhaawaca Maxamed Siyaad oo aan halis aheyn lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Xananbuurre ee gobolka Galgaduud.

Waa markii ugu horreysay oo fal noocaan oo kale ah uu ka dhaco gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com